Thursday, August 21, 2014

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka doodday laba Xeer oo xaasaasiya


 



[caption id="attachment_93538" align="alignleft" width="300"]Kulanka guud ee wasiirada Kulanka guud ee wasiirada[/caption]



Muqdisho, August 21, 2014 —(GNA)-Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.




Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira d alka, waxana Xukuumaddu sheegtay inay qaadanayso hoggaaminta dadaalka wax loogu qabanayo bulshada ay dhibaateeyeen abaaruhu, iyadoo shacabka Soomalaiyeed iyo beesha caalamkana ugu baaqday inay ka qayb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhibaataysan.




 “ Dowladda Soomalaiyeed waxaa masuuliyad ka saaran tahay nolosha muwaadiniinteeda, waxaana xukuumaddu qaadanaysaa kaalinteeda kaga aaddan wax-u-qabadka dadka ku dhibaataysan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen. Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa dadka wax haysta ee Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka inay ka qayb-galaan gurmadka loo fidinayo dadka baahan. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.




Dhinaca kale, Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ku aaddan ammaanka dalka ka dhegaystay Wasiirka Ammaanka Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, waxana Wasiirku sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo ka dib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed. Golaha ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomalaiyeed inay kor u qaadaan wada-shaqaynta hay’adaha ammaanka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo ammanaka dalka.




 



[caption id="attachment_93536" align="alignleft" width="300"]curinta xeerarka curinta xeerarka[/caption]



Ugu damayntii, shirka ayaa looga dooday Hindisa-sharciyadeedyada Saxaafadda iyo Xanaanada Xoolaha ee dalka iyo siyaasadda waxbarashada oo la filayo in Goluhu ku meelmariyo kulamada soo socda.




Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulamadoodii hore ku ansixiyey hindise sharciyeed ay ka mid yihiin la dagaalanka Hubka iyo qorshaha ku talo-galka xukuumadda.




Sidoo kale waxay dhowr jeer oo hore ku celceliyeen baaqyada ku saabsan qaylodhaanta abaarta ka jirta meelo ka mid ah dalka.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com