Dadka oo markii ay Guryahooda ku soo laabteen u adkaysan waayay sida loo bur-buriyay iyo dhimashada dadkii kaga baxay
[caption id="attachment_92419" align="alignleft" width="300"]
Reer GAZA oo dariiqyada dhiiga ka maydhaya[/caption]GAZA(GNA)-Xaaladda Magaalada GAZA ayaa maanta ka duwan sidii looga bartay bishii ugu dambeysay oo aan wax duqeymo ahi ka dhicin.
Milateriga Israel ayaa sheegay inay gabi ahaanba ka baxeen fadhiisimadii ay ku lahaayeen Magaalada Gaza, waxaanay ku suganyihiin meel wax yar u jirta xadka labada dal oo GAZA ku dhow.
Kaddib dhimashada 1800 oo Rayid u badan, dadka reer gaza ayaa murugo iyo xanuun kale la soo dersay, kaddib markii ay arkeen bur-burka iyo waxyeelada loo geystay Guryahoodii iyo hantidii Magaalada dhex taallay ee diyaaradaha Yuduudu duqeeyeen.
Qaylo iyo sawaxan aan kala joogsi lahayn oo jamac ah, ayaa laga soo sheegayaa inay ka socdaan Gaza, waxaanay Warbaahintu soo bandhigtay qoysas ku soo laabtay Guryahoodii oo digan digaha laga dhigay, wax ka noolina aanu jirin.
qaar kale ayaa indhahooda ku arkay dhismeyaal lagu dumiyay eheladdoodii oo dhintay iyo hanti fara badan.
Ilaa haatan lama jebin xabbad joojintan, oo lagu sheegay inay tahay mid bani'aadannimo oo soco doonto muddo saddex maalmood ah.
Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegaya in in ka badan 1800 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay colaadda socotay 29-ka maalmood. Waxa la sheegay in colaadaas lagu dilay 67 qof oo Isra’iiliyiin ah, oo askar u badan iyo qof u dhashay Thailand oo ka shaqeynayay gudaha Isra’iil.
Wax yar ayaa hir galay xabbad-joojinno hore oo laga gaaray xiisad GAZA, waxaana socda dedaalo diblomaasiyaddeed oo la doonayo in fursadda degenaanshiyaha looga faa’idaysto oo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac.
Inta badan dalalka Carabta iyo kuwa kale ee Muslimka ah ayaan wali soo dhaweyn xabbad-joojintan, laakiinse Masar ayaa ku tilmaantay talaabo horumar ah oo la qaaday.
Masar ayaa ugu baaqday inay labada dhanba ilaaliyaan sii socoshada xabbad joojinta wakhtiga ku xaddidan, waana mid ka mid ah baaqyada caalamiga ah ee xiisada laga soo jeedinayo daawo hore u noqon waayay.
Inkasta oo Milateriga Srael sheegeen inay bur-buriyeen Gantaaleyaashii Xamaas ka soo tuuraysay GAZA, hadana dhaqdhaqaaqa xamaas ayaa dhowr sayruuq ka soo tuuray Godadka dhulka hoostooda ku yaalla ee dhufaysyada u ah, taasoo meesha ka saartay sheegashada Ciidanka yuhuudda.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com