Monday, August 18, 2014

Ganacsatada Xaafadda Islii oo go’aan ka soo saaray Dhalin rabsho-wadeyaal ah


Picture-052Nairobi(GNA)-Gudida ganacsatada xafada islii ayaa maanta waxay yeesheen kulan ay kaga hadlayeen amaanka xaafada islii.




 kulan ayaa wax kasoo qayb galey culimo awdiin iyo ganacsatada Xaafadaas.




Guddoomiyaha guddida ganacsatada xaafada islii ibahim mahame xusen ayaa waxa uu sheegay in kalankan si wayn diirada loogu sarey sidii wax looga qaban lahaa dhibatada islii ay ku hayaan dhalinyaro la baxday magacyo gaar ah.




Ibraahim ayaa intaas kudarey in ay ku heshiiyeen in dhalinyadaas islii kawada dhibaatada dhaca iyo dilka, in loo qabto hal todabaad gudahood inay ku joojiyan dhibatada hadii kalena talabo laga qaadi doono.




 kulankan ayaa wuxuu kusoo begmayaa xilli habeenadii u dambeeyay falal amni daro ka dhaceen Xaafada islii ee magalada Nairobi, halkaasoo ay Koox dhalinyaro ahi waxyeelooyin ka geysteen.Picture-492




Islii oo ah xaafada ugu weyn ee ay Soomaalidu ganacsiga ugu balaadhan bariga afrika ku lahayd ayaa waxa soo gaaray hoos u dhac weyn bilihii ugu dambeeyay, kaddib markii si fool xun loo raafay dadkii halkan degenaa.




Abdirahmaan buurdhaab




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: buurdhaab4@gmail.com