Jilaaga Bashiir M.Xirsi oo Gobanimo uga waramay qaabkii uu uga qayb galay Film-ka caanka ah ee Black Hawk down oo uu wax ka jilay iyo saameynta uu ku yeeshay noloshiisa. Dhegeyso Waraysi qaybtii 1aad
“Markii aan dadka ku idhi waxaan u tartamayaa Jilaa Film waxay igu odhan jireen waad soo waalanaysaa malaha”hoos ka Daawo Filimka.
Buuhoode(GNA)-Bashiir Maxamed Xirsi Ducaale oo ah Wiil Soomaali ah oo ka qayb galay ama wax ka jilay Filimka Black Hawk down, ayaa ka warbixiyay sidii uu uga qayb qaatay filimkaasi iyo sababihii ku dhaliyay inuu noqdo jilaa kaalin muuqata ku yeeshay.
Filimkan ayaa laga sameeyay Hawl-galkii Ciidamada Qaramada Midoobay ee Maraykanku hogaaminayay ku soo galeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho 1993-kii, halkaasoo dagaal adag oo muddo socday ku dhex maray xooggag hubaysan oo uu hogaaminayay Jeneral Maxamed Faarax Caydiid, oo sida la aaminsanyahay wakhtigaasi xili ka dambeysay shirqool dibada laga soo maleegay lagu dilay.
Waxaanu filimkaasi sawir ka bixinayaa guullo lama filaan ah oo Maleeshiyaadkii Soomaalidu kaga gacan sareeyeen Ciidamadii huwanta ahaa ee UNISOM oo hawlkooda loogu magac daray dib u soo noolayntii Rejada.
Habada, Bashiir oo Filimka ku metelayay Jaajuus la shaqeynayay Ciidanka ee ay dagaalka wada galeen Maleeshiyaadka Maxamed Faarax Caydiid bishii October ee sanadkii 1993-kii ayaa sheegay inuu marxalado kala duwan u maray inuu ku guulaysto jilaanimada filimkaa, isagoo caddeeyay inaanu hore jilaa u soo noqon, laakiinse uu karti iyo dhiiranaan kaga gudbay dhamaan shuruudihii lagu xidhay.
“Anigu hore wax filima umaan soo jilin laakiinse Balwadayda ayaa markii horeba ahayd daawashada aflaanta ilaa markaan yaraa”ayuu ku sheegay Warays dheer oo uu Gobanimonews dhawaan siiyay.
Bashiir ayaa sheegay inuu codsaday markii hore Hogaamiyihii Ciidamada Soomaalida inuu filimka ku jilo, balse markii dambe ay agaasimeyaashii Filimku qaybtan Spy-ga u bedeleen,iyagoo qiimeyn ku sameeyay halkan uu ku soo bixi karo.
“Anigu waxaan markii hore codsaday inaan metelo ninkii Ciidamada Jeneral Caydiid hogaaminayay, dabadeed waxa nala siiyay muddo todoba maalmood ah oo nalugu yidhi soo diyaarsada Scripts ku saabsan qof waliba wuxuu soo codsaday, markaa anigu waxaan mooday inay iyagu todobaad maalmood ka dib noo dhiibayaan waxay soo diyaariyeen, laakiinse markii la soo noqday ayaa nala waydiiyay oo la yidhi maxaad soo diyaariseen, dabadeed waxaan ku idhi anigu waxba maan soo diyaarin.
Arrintaa way ka xumaadeen qoladii hawsha waday, dabadeed waxaaan ku idhi hada ayaan diyaarinayaa, ka dib isla halkiibaan ku sameeyay wixii aan ciidanka ku hawl-gelin lahaa iyo hadal guubaabo ah oo aan ciidanka ugu khudbadeynayo, ka dib waxay yidhaahdeen adigu Nin jeebkiisa wax kala soo bixi kara oo hal abuur leh ayaad tahay.
Runtiina dadka filimada agaasimaa waxay aad u jecelyihiin qofka wax abuuri kara ee xataa hadii uu wixii loo dhiibay ilaawo, wax cusub inta uu jeebadiisa kala soo baxo halkii ku buuxin kara, isagoo aan ka duwayn wixii laga rabay, markaa marxaladii tijaabada labaad sidaas ayaan kaga gudbay”ayuu yidhi.
Hadaba Akhristeyaal halkan hoose waxaanu idiinku soo gudbinaynaa qaybtii koowaad ee waraysigaasi oo aad u dheer, isla markaana si taxane ah aanu idiinku soo gudbin doono, qaybo uu jilaagu kaga hadlayo arrimo aad u xiiso badan, xogo iftimiinaya xaqiiqada jilaanimada iyo waliba filim cusub oo uu tartan u galay.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Bashiir-Maxamed-WARAYSI.mp3"][/audio]
Halkan ka DaawoFilmka: https://www.youtube.com/watch?v=fVmFHJ7WUsY
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimimonews
Hargeysa Office