Pages

Tuesday, August 12, 2014

Faysal C. Waraabe oo Difaacay Heshiisyadii Siyaad Barre ku bixiyey ceelasha Shidaalka Sool


Guddoomiyaha UCID oo sheegay in Dawladda Maraykanku kula garnaqsatay xad-gudubyada Xukuumadda Siilaanyo ku samaysay Heshiisyadii Siyaad Barre ay la galeen Shirkadaha dalkaasi




Xasan Sheikh Maxamuud oo todobaadkan dalka maraykanka kula kulmay Shirkaddo uu u  cusboonaysiiyey Heshiisyadii Siyaad Barre la galay.




Waxa uu la kulmay, Royal Dutch Shell Plc (RDSA), Exxon Mobil Corp. (XOM) iyo BP Plc (BP/), Faysal-na wuu u markhaati furay..




[caption id="attachment_92868" align="alignleft" width="300"]Faysal iyo Xasan Sheikh oo isku mawqif ka taagan Shidaal baadhista Sool Faysal iyo Xasan Sheikh oo isku mawqif ka taagan Shidaal baadhista Sool[/caption]Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe oo Maanta wax laga waydiiyay mid ka mid ah Shirkaddaha Shidaal Baadhista Somaliland ka wada oo shalay laga soo eryay Degmada Xudun ee Gobolka Sool, ayaa caddeeyay in Heshiisyada Xukuumaddu la gashay Sharaa’iga kala duwan ee dalka hawl-galada arrintaa la xidhiidha ka samaynayaa ay xaaraan yihiin.




Eng. Faysal ayaa xaaraantimeynta Heshiisyadan u daliilshaday laba qodob oo kala ah:





  1. Jiritaan la’aanta Sharci qeexaya soo saarista  macdanta iyo Shidaalka ama baadhista Khayraadkaas.


  2.  ku xad-gudub lagu sameeyay Heshiisyadii ay dawladdii Siyaad barre gashay ee ku xadeysnaa 27 goobood oo ku kala yaalla  Gobolka Sool iyo Ceel-gaal, kuwaasoo uu sheegay in loo baahanyahay in la ixtiraamo heshiiskii ay shirkadaha Maraykanka kula gashay Dawladdii Soomaaliya ka hor intaanay bur-burin.




Mawqifka Faysal Cali Waraabe iska taagay Mashruucan fulintiisu wali qabyada tahay ayaa si weyn looga soo dhaweynayaa Aqalka Madaxtooyada ee Soomaaliya iyo Maraykanka oo Saldhigoodu ku yaalla dhowr Shirkaddood ka walaacsanaa sababta ay Xukuumadda Siilaanyo u tirtirayso Heshiisyadii lagula galay Ceelasha ku teedsan Gobolka Sool oo Hol-hol iyo duleedka laascaanood ku yaalla.




Hadalkan Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale dhimbiil dab ah oo xanuun kulul ku noqonaya Madaxtooyada Somaliland iyo qorshaha Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale.




“Horta Shirkaddaha Shidaalka Qodaya, anagu horena waanu u sheegnay haddana waanu sheegaynaa,Shirkaddahaas wadanka hadda wax ka bilaabaya waxaanuu  aragnaa inay yihiin Shirkaddo aan Xalaal ahayn.Waana Sharci darro”ayuu yidhi Faysal Cali.




Faysal Cali Waraabe oo sii faahfaahinaya sababta uu uga soo horjeedo shidaal baadhista Somaliland ayaa yidhi “Maanta Maalin aynu shidaal Qodano dalkeenu ma joogo, Nidaamkii lagu soo saari lahaa Shidaalka maynu samaynin, Dalkeenu ma midaysna, Sharciyaddii lama samaynin, markaa anagu arintaas waxaanu u aragnaa uun inay tahay Arin aan soconayn, Shirkadduhuna yihiin Shirkaddo yaryar oo doonaya inay meesha sii Carbuuntaan oo Xogaa Lacag ah ka bixiyaan goordhawna ay Shirkaddaha waawayn ka iibiyaan”




Markaa in la yidhaahdo maanta halkaasaa shidaal laga baadhayaa maaha, gar daro ayaan u arkaa in Nimankaa shidaalka baadhaya la geeyo xudun”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Faysal Cali Waraabe iyo Maraykanka




Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horaysay ka dhawaajiyay in safarkii uu dhawaan ku tegay dalka Maraykanka si weyn loogala hadlay sababta ay Somaliland ugu xad-gudbayso heshiisyadii Dawladdii Siyaad Barre gashay ee Baadhista Shidaalka.




Waxa uu sheegay in 27 Goobood oo heshiisyo ay kula gashay dawladdii Siyaad barre ay ka mid tahay Degmada Xudun ee shalay Shirkadda DNO laga soo caydhsaday.




“dhulkaas imika la sheegayo ee Xudun, inay tagaan maaha.Dalkan Markii Siyaad Barre Joogay Shirkaddaha waaweyn ee Aduunka oo Maraykan u Badan ayaa 27 Qaybood laga siiyay dhulkeena oo uu Ceelkaa Hol-hol ugu bariyeeyo, Ceel Gaalna uu ugu Galbeedeeyo. Shirkaddahaas Xuquuqdooda inla dhawro weeye,




“Maalintii dhaweyd ee aan tegay Maraykanka waxyaabihii ay soo hadal qaadeen (State deparments) ee ay yidhaahdeen waxaan ka rabnaa inay noo caddeyso dawladda Somaliland, waxa ka mid ah arrintaa Shidaalka.”ayuu sii yidhi Faysal.




Waxa kale oo ka hadlay xaasaasiyada deegaamadaas ka taagan  “marka xudun la tago ama Taleex la tagona dadkii deegaankaa lahaa wali Somaliland maaha way kala jabsanyihiin”ayuu yidhi.




Mawqifka Xasan Sheikh iyo Faysal Cali Waraabe




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo todobaadkan socdaal ku joogay dalka Maraykanka ayaa kulamo kala duwan la halkaasi kula yeeshay qaar ka mid ah Shirkaddaha dib u cusboonaysiiyay Heshiisyadii ay kula jireen Dawladdii Siyaad Barre ee Shidaal Baadhista ahaa.




 [caption id="attachment_92084" align="alignleft" width="300"]xasan sheikh oo walaac ka muujiyay xaalad nololeed xasan sheikh oo walaac ka muujiyay xaalad nololeed [/caption]“waxaanu ka wada hadalnay iyaga arrinta ku saabsan nidaamka bixinta iyo siday u bilaabi lahaayeen wax soosaarka heshiiskoodda ku saabsan ee Shidaalka”.ayuu yidhi Xasan Sheikh oo Waraysi siiyay Warbaahinta Ganacsiga ka waranta ee Bloomberg.com.




“Waxaanu rajeynayaa inay deg deg u bilaabaan shaqada”ayuu yidhi sii yidhi Xasan Sheikh oo waraysigan bixiyay xilli uu Shirka ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Madaxda Afrika iyo Maraykanka ka qayb gelayey.




Shirkaddaha  ay ka wada hadleen dar dar gelinta Heshiisyada loo cusboonaysiiyey, waxa ka mid ah Royal Dutch Shell Plc (RDSA), Exxon Mobil Corp. (XOM) iyo BP Plc (BP/), kuwaasoo Shirkadda la yidhaahdo Exxon Mobil Corp. (XOM, ay difaacanayso agga Sool ee ay Somaliland siisay DNO oo mar qayb ka wadaagtay heshiisyadan xiligii Siyaad Barre.




Dawladda Soomaaliya Bishii la soo dhaafay qalinka ku duugtay dib u cusboonaysiinta heshiisyada Shirkadahaasi iyo kuwo kale oo sanadihii 1980 ilaa 1990 heshiisyo la galay Soomaaliya.




Xukuumadda Somaliland ayaa iyana sanadkii 2013-kii bixisay ruqsadihii ugu badnaa ee shidaal baadhista, iyadoo ay ugu yaraan shan shirkaddood oo ka diwaan-gashan dalal kala duwani ay sanadkan isu diyaarinayaan inay bilaabaan hawl-galo Shidaal iyo Macdan baadhis ah.




Dhaqdhaqaaqyda labada dhinac wadaan ayaa u muuqda mid loolan ku jiro oo aan wada socon, taasoo la aaminsanyahay inay qayb ka tahay Xiisada colaaddeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo Maamulka ay samaystay dadka degga Gobollada Sool iyo Buuhoodle ee Khaatumo la baxay oo ay aasaaskiisa ka dambeeyeen siyaasiyiin ilaa hada manjaraha u haya Khaatumo oo ka shidaal qaata Dawladda Federaalka Soomaliya, gaar ahaan Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh.




Muran kama joogo in hadafka lagu  aasaasay Khaaatumo dabada ku hayo, qorshaha Shidaal soo saarista Somaliland ee Dhulka SSC ku wajahan oo ay ka soo horjeedaan siyaasiyiinta waaweyn ee ka soo jeedda.




 “ma ogolaanayno in Maamulka Siilaanyo si cad u boobo Khayraadka ku duugaan Dalkayaga, iyagoo uga faa’idaysanaya Shaadh siyaasaddeed”sidaasi waxa Gobanimonews dhawaan u sheegay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Khaatumo Maxamuud Sheikh Xasan oo xiligaasi Agaasimaha daakhiliga u ahaa maamulkiisa.




Si kastaba ha ahaatee, mowqifka cad ee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland Faysal Cali Waraabe iska taagay arrintan xaasaasiga ah ayaa docwareen iyo kashifaad ku noqonaya, heshiisyada Xukuumadda Siilaanyo gashay ee baadhista Shidaalka iyo Macdanta oo abaabulkeedu aad u sareeyo.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com / editor@gobanimonews.com