Runtii waan farxaa mar kasta oo aan arko dadkayga oo garabka isku wada haya sugayana in ay madaxweynahoodii soo dhaweeyaan ama ay meel isugu yimaadaan iyaga oo ay ku tusayso jacaylka iyo qadarinta weyn ee ay isu hayaan waana ta loo baahan yahay maanta markaad eegto duruufaha qalafsan ee dad badan ku nool yihiin.
Waa mid u baahan in la sii xoojiyo oo la is dhagaysto si loo saxo waxa qaldan dadkuna u gaadho horumar la taaban karo.
Markaad aragto Haldoorkii Somaliland rag iyo dumarba madaxdiisii iyo dadkii kale sida ay isu qadarinayaan, u kala dambeeyaan isu ixtiraamayaan mid yar iyo mid weynba ee midna mid riixayn waa wax lagu faano ilaahayna loogu mahad naqo, si ilaahay ugu siyaadiyo nimcada quluubtoodana u hagaajiyo oo ka dhig kuwa eega qiimaha walaalkii iyo walaashii leeyahay inta ay nool yihiin maanta. Waa hubaal oo berito haddii uu dhinto oohinta aad qabrigiisa ka dul oydaa ama aad ka hadasho oo aad tidhaahdo qof fiican ayuu ahaa wax macno ah samayn mayso.
Dad badan ayaa jira oo aan ogahay oo media-da ka shaqeeya oo dadaal aad u badan galinaya sida ay dadkooda wax wanaagsan uga sheegi lahaayeen ama ugu sheegi lahaayeen nasiib darose waxaa badan inta aan waqti u hayn ee aan hubinayn maqaalka aan soo qoray in uu xun yahay iyo in kale. In aan qof walaalkay ah sharaftiisii meel kaga dhacay iyo in kale. Waxaan kula talin lahaa walaaladay dadaalkiina badiya oo u naxa caafimaadka iyo qalbiga qofka akhriya wargeyskiina ama mareegtiina waayo warka xun ee aad badsataa qalbiga ayuu wax yeelaa ilaahayna wuu idinla xisaabtamayaa ee ogaada.
Inta qofku nool yahay ayuu baan wada farxi kartaan waxna wada cuni kartaan oo wax isu sheegi kartaan haddiise uu dhinto waxba lama wadaagi kartid wixii qofkaasu wanaag lahaana wuu la dhintay. Markaa aynu qiimayno madaxda iyo culimada maanta inoo nool iyo kuwa beritoba.
Ilaahay ha inoo siyaadiyo iimankaa iyo nimcada uu ina siiyay (Aamiin).
Wabilaahi Towfiiq
Walaalkiin Caydiid Axmed Jaamac (Indha Warranle) _
Melbourne Australia