Pages

Wednesday, August 6, 2014

Ebola: Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay qorshe deg deg ah oo looga hortegayo


Wuxuu ka muujiyay Walaac!!




[caption id="attachment_92084" align="alignleft" width="300"]xasan sheikh oo walaac ka muujiyay xaalad nololeed xasan sheikh oo walaac ka muujiyay xaalad nololeed [/caption]Salaasa. 5 Ogosto, Washington DC(GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay tillaabooyinka ka hortagga ah ee ay Soomaaliya qaadeyso si ay u xaqiijiso in Feyraska Xanuunka Ebola uusan saameynin Soomaaliya.




Soo ifbaxa cudurka Ebola waxa uu markii ugu horreysay ka dillaacay dalka Gini bishii Maarso 2014.




Laga soo billaabo markii uu uu cudurku dillaacay, feyrasku waxa uu ku faafay dalalka Laaybeeriya iyo Siiralyoon. Dillaaca cudurkan waa kii ugu ba’naa taariikhda la hayo marka laga eego xagga xaaladaha tirada dadka ee u li’anaya.




Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku sugan Washington, ayaa ku dhawaaqay in dawladdiisu dejisay qorshe lagaga gaashaamainayo inuu cudurkaasi ka dilaaco Dalka Soomaaliya.




“Aad baan uga walaacsannahay xanuunkan ka dillaacay Galbeedka Afrika. Waxa aan doonayaa in aan qalbigiinna ku dejiyo in Soomaaliya aad uga fogtahay dalalkaas ayna u dhaxeyso masaafo dheer si uu Ebola u soo gaaro Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo og jiridda muuqata ee cudurkaas, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo saaxiibadeedba waxa ay qaadeen tillaabooyin deg deg ah si Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM looga ilaaliyo cudurkaas.




 Tillaabooyinkaas waxaa ka mid ah kala shaqeynta AMISOM in la qaado tillaabooyinka muhiimka ah eek a hortagga si loo xaqiijiyo in Ebola uusan soo gelin Soomaaliya isaga oo u soo maraya ciidamada la iskubedelaayo.”ayuu yiri.




Madaxweyne Sheikh ayaa intaas raaciyay “Waan aqoonsannahay khatarta xanuunkan ba’an iyo saameynta uu ku hayo saaxiibadeenna Afrikaanka ah. Heegan baan u nahay in aan caawinno dalalka uu waxyeelleeyey cudurku waxaana u rajeneynaa waxkaqabasho iyo caafimaad deg deg ah” ayuu Madaxweynuhu yiri.




Qaar ka mid ah Ciidamada AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa ka yimi waddamada Galbeedka Afrika, sida Siralyoon iyo Burundi oo ka mid ah Wadamada halista ugu jira cudurkaas.




Suurto galnimada in Sahay iyo saanaddo kale looga keeno dalalkooda ayaa ka mid ah waxyaabaha fududeyn kara inuu xanuunkaaso u soo gudbo soomaaliya, iyadoo dhawaanna la joojiyay Ciidamo dheeraad ah oo ka iman mid ka mid ah dalalkaas.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com