Pages

Tuesday, August 19, 2014

Duruufo Maamul-xumo oo hadheeyay Degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer


 DURUQSISida aynu ka warhayno deegaanadda gobolka Togdheer gaar’ahaan Degmooyinku qaarna maamul fiican oo daacad ah ayay gacanta u galeen oo baahidda deegaankooda iftiimiya qaarna maamul xun oo Musuq ragaadiyay iyo Habrasho ayaa loo dhiibay oo aan awood u lahayn in ay cabiraan ama sheegaan dhibka deegaankooda ku gadaaman ee shicibka haysta.




Hadaba degmooyinka gobolka Togdheer ayaa waxa ugu daran Degmadda Duruqsi oo maamul xumo degmooyinka kale ka reebtay .




Marka hore ,Xafiiska degmadu wuu xidhan yahay, documentina ma yaalo wax shaqo ahin kama socoto ,gabi ahaanba ,gudoomiyuhuna wuxuu joogaa Burco inta badan taasi waa qodob.




Qodobka labaad ,Cagaftii way wasakhawday oo xoolahii iyo dadkiiba waa loo fasaxay ,Qalab ay Haayadi Cagafta ugu deeqday oo kala ahaa Mishiin ,Solar iyo Daynabana waxa laga iibiyay sida shicibku iisheegeen Ceel-Afweyn waxaana ka iibiyay Gudoomiyaha Magaaladaasi.




Waxa kale oo intaasi sii dheer magaalada xashiish ayaa buux-dhaafiyay hadii roob ka da’ana xanuun ayaa magaalada ka dilaacaya.




Qodobka Sedexaad ,Maamulka Magaaladu Beelo ayaa uu iska horkeenay oo uu dhul Gudoomiyaha Demadu Labajeer ka kala iibiyay walina wax xal ah looma helin in la isku laayona u dhaw ,taasina waa taas.




Qodobka Afraad Maamulka Degmadu sida lay sheegay mudo ka badan 10 Sano ayuu joogay Tobankaas Sano wax, wax qabad ah waxay qabteen dhisme 3Qol ah ,kaasi oo la dhisay ,deegaamadda ku xeeran horumar balaaran ayaa ka socda ,baahiyaha ka jirana maamulkooda ayaa Saxaafadda ka sheega ama dawladi wax haw qabato ama shicibe ,wali lama arag maamulka Duruqsi oo Media ka sheegaya baahidooda Magaalada.




Qodobka Afraad ,Saldhiga Degmada waxaa kaliya oo jooga Taliyihii loosoo magacaabay oo kaliya, Gaadhi ciidan malaha dagmadu, Ciidan majoogo Dagmada,Shiidaal-na looma hayo Ciidanka Dagmada ,kaasina waa kaa.




Waxa kale oo intaasi sii dheer Degmadda iyo deegaanka ku xeeran xaaluf xoogan ayaa ka jira oo Xoolaha Khatar ku haya.




Gabogabadii ,Guud ahaanba Amaanka Dagmadu halis buu qarka u saaran yahay baahiyaha ka jira iyo maamul xumida ragaadisayna waxaan ugu baaqayaa in ay Xukuumadda Siilaanyo wax ka qabato ,oo xiitaa hadii wax kale la qaban kari waayo maamul wacan Degmadda loo sameeyo ,si uu usoo bandhigo baahidda bulshadu qabto..




Hassan Ahmed Yousuf




Director of Diaspora Relation Dept.




Somaliland Diaspora Agency




Phone: 063-4081527