Pages

Wednesday, August 20, 2014

Duruqsi: Guddida Degmada oo mar kale shaaciyay Maamul- xumo Xukuumaddu ku eegayso


[caption id="attachment_93374" align="alignleft" width="300"]duqa Duruqsi oo si cad loogu eedeeyay musuqmaasuq, xili uu  isdifaacay duqa Duruqsi oo si cad loogu eedeeyay musuqmaasuq, xili uu isdifaacay[/caption]Duruqsi(GNA)-Waxgaradka iyo Odayaasha Degmada Duruqsi ayaa mar kale baaq ay kaga cabanayaan  maamul xumo degmda ka jirta soo saaray.




Guddoomiyaha degmadaas oo maanta Magaalada Burco kula hadlay Warbaahinta ayaa iska difaacay eeddeymo ay hore ugu jeediyeen waxgaradka Degmadu.




Hadaba war qoraal ah oo ay caawa soo saareen guddida deegaan ee horumarinta degmada ayaa lagu soo bandhigay Maamul xumada iyo dib u dhaca ragaadiyay Degmada.




Baaqan oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Xafiiska Gobanimonews ee Burco ayaa u dhignaa sidan:




“haddii aanu nahay odayasha wax-garadka gudiga degmadda duruqsi waxanu  halkan ku soo bandhigaynaa wax qabad la’aanta ka taagan degmadda duruqsi  iyo maamul xumida ragaadis  degmadaas iyo dufluuha ku xeeran.




 waxaa  xaqiiqdu tahay   maaha  xafiisyada dawladu ama maamulka  degmadu mid shaqeeya, waxaana u sababah  maamulku malah aqoontii loogabaahnaa iyo maarayntiisii toona.




haddii anu wax yar ka soo qaadno xoghayaha degmada wax aqoona malah wax dugsiyana ka bixin bal wasaaradu itxaan ha ka qaado in tay u yeedho waa wasaarada arimaha gudaha Somaliland.




Waxaanu halkan ku soo gubinaynaa  degmadu waxay u baahantahay aqoon hagta.




 war bixin kooban oo ku sababsan degmada  duruqsi hadaan wax yar ka taabano ama kasoo qaadno ma jiraan wax la taaban karo oo maamulkasi soo kordhiyey ilaa iyo mudadii ay xilka hayeen oo ku mudaysan toban sanaddood.




Bal  wax yar aan ka soo qaadano xafiisyada ama wasaaradaha  ka jira degmada ee aan habayaraatee  wax shaqo oo ka socota jirin aan mid mid u soo qaadno.




1: wasaarada xananada xoolahu way dhisan tahay hadana habayaree wax shaqo iyo shaqaletoona ma joogaan xitaa waxaa jiran gaadhi maalin dhawayd la siiyey xanaanda xoolah




gaadhigaas oo aan soo gaadhi xafiis lugu magacaabay  ee wasaarda xananau xoolo bixisay




2; waxaa kale oo jira xafiiska laanta socdaal mudo badan dhisnaa  ma jiro wax shaqo iyo shaqaale toona  weliba duruqsi waxay ku taala xududa itoobiya taas waanu jawaabta ka sugayna laanta socotaal somaliland




3; waxa kale oo ay degmadu lee tahay maxkamada degma oo aan wax shaqo ah la hayn




4; waxaa kale oo ay leedahay degmadu xafiiska dawlada hoose mana jiro wax shaqo ay hayaan habyaretee




5; waxa jira hal mch isagu waa sheeyaa in karaankiisa ha




6; schoolka degma waxaa uu baan yahay macalin ta leh




7; waxa jira oo ay la hayd sadex gaadhi lama og meesha ay gu sugan yihiin hadaba waxan ka codsanaynaa xukumadaa somaliland inay dhibatada shacbigu sheegeen in wax cad ka qabato marlabaad xukumadu indha haw furto fariinta yada




Magacayada gudiga degmada duruqsi




1 jama farah ismaaciil




2 kayse abdikaaqir




3 cabdilaah cisman ahmed




4 barre maxamed aadam




5 abdi xaaji




6 maxamed muuse




7 abdi maalik ali mahadi




Guddiga degmada duruqsi oo ka kooban beelaha deegaanka  wada dega oo dhan.