Pages

Monday, August 11, 2014

Dortmund Oo Uquusgoysay Kooxihii Doonayay Mats Hummels, Waxayna Umagacaabeen Kabtanka Kooxda.


Kooxda Borussia Dortmund ayaa uquusgoysay kooxihii doonayay difaacooda Mats Hummels. Dortmund ayaa Hummels umagacawday  kabtanka cusub ee kooxdooda. Arintan ayaa la rajaynayaa inay soo gabagabayn doonto warkii suuqa ku jiray muddada dheer ee Hummels lagula xidhiidhinayay kooxaha Barcelona, Man united, liverpool iyo Arsenal.




Hummels




25 jirkan ayaan kulankii maanta dhexmaray liverpool iyo Dortmund aan ku jirin kaas oo ay liverpool 4:0 ugu awood sheegatay kooxda Dortmund. Dortmund ayaa guuldaradan kala kulantay liverpool iyadoo saddex maalmood oo kaliya inaga xigaan marka ay Dortmund la ciyaari doonto kooxda Bayern Munich. Bayern iyo Dortmund ayaa wada  ciyaari doona koobka Jarmalka ee Super Cupka.




 




Sebastian Kehl ayaa hore  kooxda Dortmund ugu ahaa kabtanka balse da’diisa oo waynaatay iyo waqtiga uu ciyaaro oo yaraatay ayaa keentay inuu iska casilo doorkiisa. Dortmund ayaa warkan ku cadaysay bartooda twitterka iyagoo sheegay: “Mats Hummels wuxuu ahaandoonaa kabtanka cusub ee kooxda Dortmund, waxakale oo xilka ka badalidoona Marco Reus iyo Roman Weidenfeller”.