Pages

Monday, August 4, 2014

Dhagar-qabe kale oo lagu toogtay Agagaarka Wasaaradda Gaashaan-dhiga


Ciidanka Dawladda oo maalmo gudahood markiiba toogtay Gacan ku dhiigle saaxiibkood dilay!!




[caption id="attachment_92350" align="alignleft" width="300"]Muuqaalka Askarta dawladda oo mid laga dilay Muuqaalka Askarta dawladda oo mid laga dilay[/caption]Muqdisho(GNA)-Dilka kuwa geysta qudh-geynta Askarta  Dawladda ee Magaalada Muqdisho ka hawl-gala ayaa lagaga guulastay maalintii labaad todobaad gudihii.




Kolanyo Gaashaaman oo ka tirsan Ciidanka ayaa maanta toogasho ku dilay Nin dhagar-qabe ah oo isna  ku dilay Askari Ciidanka dawladda ka mid ahaa agagaarka Wasaaradda Gaashaan-dhiga ee Magaalada Muqdisho.




“Wuxuu watay Mooto iyo Bastoolad, markii askariga toogtay ayuu isku dayay inuu baxsado, laakiinse markiiba waxa toogtay askar ka agdhawaa goobta uu dilka ku geystay oo eryaday markiiba”sidaasi waxa sheegay goob-joogeyaal warbaahinta la hadlay.




Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale qudha looga jaray niman hubaysan oo dilay  Sarkaal katirsan Ciidanka Nabad Sugida, iyagoo doonaya inay baxsadaan.




Cabsi badan ayaa soo waajahday ciidanka dawladda ee ka hawl-gala Magaalada Muqdisho bishii la soo dhaafay, kaddib markii ay Kooxaha nabad-diidku bilaabeen dilal ay ku bartilmaameedsanayaan askarta, khaas ahaan kuwa nabad-gelyada waddooyinka ee aan hubaysnayn.




Taas ayaa sababtay in la hubeeyo ciidanka “nagama hor istaagayso inaan shaqadayada gudano dilalka fulaynimada ah ee kooxaha nabad-diidu, askartana waa la hubeeyay”sidaasi waxa yidhi yidhi Taliye ku-xigeenka Ciidanka nabad-gelyada waddooyinka Soomaaliya oo dhawaan warbaahinta la hadlay.




Jawaabta deg dega ah ee Ciidanka dawladdu sameeyeen maalmihii ugu dambeeyay ayaa dhiiri gelinaysa sugida amniga, isla markaana meesha ka saaraysa dilalkii gar iyo mag la’aanta ahaa ee ciidanka dawladda lagu beegsan jiray.




Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada ayaa shalay xukun dil ah ku fulisay dhagar qabeyaashii ugu horeeyay ee lagu qabto iyagoo weeraray fulinaya, kuwaasoo todobaadyo gudahood qudha looga jaray Fagaare.




Saddexdaa Nin ee la toogtay ayaa ka tirsanaa Ururka Alshabaab, waxaanu midkood ka shaqayn jiray Madaxtooyadda dalka laga xukumo.




 Gobanimonews




Muwdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com