Pages

Sunday, August 17, 2014

Dawladda Soomaaliya oo beegsanaysa goobo kale oo hub lagu qarsaday


Muqdisho(GNA)-Wali waxa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka socda Olole hub ka dhigis loogu samaynayo Dadka.




Ku-xigeenka ra’isul wasaaraha ahna wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumada Somalia Ridwaan Maxamed Xirsi  ayaa sheegay in la xoojin doono howlgaladaas oo ay dawladdu beegsan doonto goobo mucayim ah oo badani yaallo.




Goobaha la beegsanayo ayaa waxa ka mida Geerashyo iyo Dhismeyaaal Hub faro badani yaallo.




“Dowladu duulaan kuma aha beel iyo shaqsiyaad gaar ah, waxayna xaq u leedahay iney qabato hubka sharci darada ah ee shacabka lagu gumaado” ayuu yiri isagoo maanta warfidiyeenada kula hadlayay Muqdisho.




Xukuumadda ayaa shalay go’aamo ad-adag ka soo saartay heysashada hubka aanay dawladda gacanteeda ku jirin.




Waxa Golaha Wasiirradu amar ku bixiyaan in dhamaan hubka aan sharciyeysanayn ama gacanta ugu jira dadka aan loo ogolayn gacanta lagu dhigi doono.




Golaha Wasiirrada ayaa dhawaan ansixiyay Sharciga la dagaalanka Hubka Sharci darada ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com