Pages

Monday, August 11, 2014

Dawladda hoose ee Burco oo qandaraas ku bixisay shan Mashruuc oo cusub


Waxa ka mid ah laba waddo oo min 11KM ah




[caption id="attachment_92702" align="alignleft" width="300"]Maamulka Gobolka iyo Dawladda hoose Maamulka Gobolka iyo Dawladda hoose[/caption]  Burco(GNA)-Dawlada hoose ee Magaalada Burco ayaa maanta si rasmi ah u bixisay shan  qandaraas oo isugu jira sadex wado oo min 11KM, Goob qashinka lagu guro iyo gaydh lagu wareejinayo taalada sheekh bashiir ee Magaalada Burco.




Xafladan lagu kala saxeexanayay heshiiska qandaraasyadaas oo ay kasoo qayb galeen,Badhasaabka Gobolka Togdheer,Madaxda Dawlada Hoose iyo  shirkadaha   ku guulaystay qandaraasyadaa ayaa lagu qabtay hoolka dawlada Hoose ee magaalada Burco.




Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Mashaariicdan Miisaanka leh.




''waxaanu balan qaadaynaa inaanu ku ilaalino Golaha degaanka Magaalada Burco,idina waxaanu doonaynaa in aad nala shaqaysaan,waxaana qirayaa inay intii aan joogay Golaha degaanku wax qabteen qorshena soo dajiyeen.”ayuu yidhi.




[caption id="attachment_92703" align="alignleft" width="300"]Maayirka Burco Maayirka Burco[/caption]Maayarka Magaalada Buro Maxamed Yuusuf Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa  isna faahfaahin ka bixiyay mashaariicdan kala duwan ee ay bixinayaan qandaraaskooda, waxaanu yidhi.''waxaanu halkan ku Bixinaynaa oo aanu maanta saxeexaynaa ilaa shan kontaraag oo ah sadex wado oo ah 11 km iyo Godka wayn ee khashinka lagu shubo iyo waliba Gaydhka wayn ee Taalada sheekh Bashiir lagu dayactirayo,wadooyinkaas aanuu maanta Bixinay Sagaal km waa Nooca casriga ah ee Madxtooyada Hor mara ama wadada Hargaysa iyo berbera u dhaxaysa,Mashaariicdaas waxaanu maanta halkan ugu kala saxeexayanaa  shirkadaha kala ah' Somaliland Chinese Horn Group,Oriatal,Delta,Bilaal iyo Buurdhaab,waxaanu hawshan usoo bandhigaynaa  dadka jecel in cidii meel loo dhiibtaaba inay fashilanto ee meelahaas ka leh wax baa la cunayaa inaanu beenino oo hadii aanu dhul iibino iyo hadaanu dhul iibino inaanu wax ka wayn ugu qabanayno.




Xoghayaha Dawlada Hoose ee amgaalada Burco Cismaan Maxamed  sh.Cismaan oo isna halkaas ka hadlay dhankiisa Sheegay inay aad u soo dhawaynayaan shirkadaha ku guulaystay shantan mashruuc kana rajaynayaan inay hawshooda kasoo baxaan.




Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Golaha degaanka Burco diyaar u yihiin  waxqabad,waxaanu Qurbajooga ugu baaqay inay ka qayb qaataan Horumarka degmada,isagoo mubaarig sheegay inay shan iyo tobanka Bishan shir ugu qabanayaan qurbajoogta  Gobolkan Togdheer Hotel Blaza ,waxaanu ka codsaday inay kasoo qayb galaan.




C/risaaq Cumaani oo ku hadlay afka shikadaha ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay reer Burco u dhisaan wax tayo leh.[caption id="attachment_92704" align="alignleft" width="300"]qandaraska oo la kala saxeexanayo qandaraska oo la kala saxeexanayo[/caption]




Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee magaalada Burco laga hirgaliyo wadooyin casri ah.waxaanay dawlada hoose ee magaalada Burco dhawaan iibisay Goob hanuunin ahayd oo ay dad shicb ahi ku jireeen iyadoona ay dhaqaalihii ay ka qaateen sheegay inay wadooyin ku samaynayaan.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com