Somaliland: Xidhista Xadka Djibouti iyo furista ka Itoobiya maxaa isku beegmay?
Hargeysa(GNA) warka ku saabsan furista Xudduudka laysaga gudbo ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa ah mid muhiim u ah dadyowga labadan dal ee jaarnimada ka sekow xidhiidhka badani ka dhexeeyo.
inkasta oo isu gudubka xagga cirku furnaa oo aanay dhibaato badani ka taagnayn, isu socodka dhanka Dhulka ayaa bilihii ugu dambeeyay xayirnaa, sababo dhanka ammaanka ah awgood maray Itoobiya u xdhay.
Arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay shucuubta labada dal oo si joogto ah isugu gudbi jiray, inkasta oo aanay dhamaan xudduudda ka dhaqan gelin xayiraadu ee ay si caadi ah Dhulka qaar dadka reer Guuraaga ah iyo Gaadiidku isaga gudbi jireen.
Hase ahaatee magaalada Wajaale oo ah Meesha dhibtu ka taagnayd ee ay itoobiya xidhay Bishii June horaanteedii ayaa maanta si rasmiya loo ogolaaday in la furay, kaddib wadahadalo dhex maray labada maamul ee Addis-ababa iyo hargeysa oo ilaa heer Madaxweyne laysla gaadhay.
Isu bedelka ficil ee ku yimi xadka, waxa uu maalin ka dambeeyay, socdaal Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Laanta Sirdoonka Somaliland kaga soo laabteen dalalka jaarka maalintii shalay.
“Itoobiya waxaan kula kulmay wasiirkooda arrimaha gudaha, waxaanu ka wada hadalnay sidii xadka loo furi lahaa, waxaanay noo sheegeen in hawshaasi dhamaatay oo halkii ugu dambeysay marayso”sidaasi waxa shalay Warbaahinta u sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha oo Madaarka Hargeysa ka soo degay.
Maxaa soo kordhay?
Kaddib hadalka shalay ee waran-cadde, Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Xuduudka Somaliland iyo Ethiopia maanta si rasmi ah loo furay.
“Dawladda Itoobiya maantana ay noo caddeeyeen in Safaradii marayay Tog-wajaale iyo dadkii tagayay dalkeeda loo furay”
“ maanta noo sheegeen in si buuxda ay Dadka iyo gaadiidkuba u marayaan”ayuu yidhi.
Wuxuuse iclaamiyay in Shuruud lagu xidhay qof kasta oo Itoobiya u safraya, taasoo ah in qofka faro laga qaadayo sidii reer Yurub ama waddamada kale ee Caalamka.
Wasiirka ayaa shacbiga dalkiisa ee Itoobiya u safraya ku booriyay inay ogolaadaan in faro laga qaado.
“waxay ku soo kordhiyeen in dadka Faraha laga qaado. Markaa farahaas ayaa la iska qaadayaa waana in dadka tagaya ee Fiisaha ka doonayaa ay Ogolaadaan Faraha la iska qaadayo oo ay kala shaqeeyaan Ethiopia, haseyeeshee wax dhibaato ah oo dalka ka taagan ma jirto” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha dibada Somaliland.[caption id="attachment_92962" align="alignleft" width="300"]
Mishiinka faraha lagu baadho ee casriga[/caption]
Musaafiriinta u kala gudbaya Somaliland iyo Itoobiya ayaan hore looga qaadi jirin faraha, balse waxay fiise ka soo qaadan jireen xafiiska Ganacsi ee ay Hargeysa ku leeyihiin , iyadoo shambada gelistana loogaga sii dhufan jiray Magaalada Wajaale.
Lama oga saameynta ay arrintani ku yeellan doonto dadka, gaar ahaan kuwa uga sii dhoofaya dalalka kale sida Yurub iyo Maraykanka oo laga isticmaalo sawirka faraha balse waa shaqo la qabsigeeda leh tafaasiil dheeraad ah u baahan.
Diyaar-garowga dadka
“wali may bilaabmin isu socodku, laakiinse beri uunbaan filayaa inay hawsha xafiisyadoodu bilaabmi doonta”ayuu sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Cabdiraxmaan Nin la yidhaahdo oo ka mid ah bulshada ku nool Magaallo xaddeedka Wajaale.
Xidhista xadka Djibouti
Si kastaba ha ahaatee munaasibadan ayaa ku soo beegantay maalin uun kaddib markii culays dheeraada lagu sii kordhiyay soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Djibouti oo ay isku duruuf u xidhnaayeen tan Itoobiya.
Somaliland ayaa si biyo diid ka muuqdo u adkaysay ka soo gelista dalkeeda ee dhanka jibouti, taasoo ay dawlada dalkaasina kaga jawaabtay talaabo go’doon ku keentay deegaamada daruuriyaadkooda maalinlaha ahi ku xidhnaa caasimada dalkaasi.
“laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12 August dawladda Somaliland waxay go’aansatay inay ammaanka xadka adkayso, iyadoo dadka soo gelaya aad loo baadhi doono”sidaasi waxa shalay ku dhawaaqay Saraakiil ka socda Maamulka gobolka Selel iyo Laanta Somaliland oo Lawyo-caddo kulan ku yeeshay.
Go’aankaasi waxa la sheegay inay jibouti xilfatan siyaasaddeed u aragtay, isla markaana ay joojisay dhamaan gaadiidkii isku xidhi jiray Caasimaddeeda iyo Lawyo-caddo, taasoo loo arko cunno-qabateyn cadaadis lagu saarayo Bulshada reer Somaliland ee halkaas ku nool oo ay si caadiya isugu xidhnaayeen, ayna kaga jawaabayso kaddib markii Askartoodii Xadka joogtay shalay loo diiday inay ka soo talaabaan calaamada xadka u ah labada dal.
Gobanimonews
Gabiley Office
Email: editor@gobanimonews.com