Monday, August 11, 2014

Daawo:Badhasaabka Awdal iyo Isku Duwayayaasha Wasaaradaha ee gobolka oo kulmay


Borama-{GNASnapShot(27)}Kulan ay maanta si wada jir ah u yeesheen isku duwayayaasha gobolka awdal u jooga wasaaradaha dowliga ee dalka iyo badhasaabka gobolka awdal cabdoo axmed aayar oo ahaa mid saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa sida uu u sheegay warbaahinta badhasaab cabdoo waxa u ahaa mid lagaga hadlayay daah furka buuga horumarinta gobolka awdal 3 sano ee socota islamarkaana agaasime kasta oo wasaarad masuul uga ah gobolka awdal lagu wargalinayay sidii uu ugu diaar galoobi lahaa qaybtiisa ka khusaysa buugani horumarinta gobolka




Ka dib markii uu soo idlaaday Kulankaasi ayaa waxa warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen badhasaabka gobolka awdal Cabdo axmed waxana uu sheegay inay kawada hadleen sidii uu iskuduwe kasta uga qaybqaadan lahaa qaybta ka khusaysa buuga horumarinta gobolka awdal 3sano ee socota wixii uu u arkana ka wasaarad ahaan inay ka maqanyihiin uu dib daraasad ugu sameeyo




http://youtu.be/yD2pLUFUtM4




Si kastaba ha ahaatee waxa ay ka dhur sugi doonaan shacabka gobolka awdal waxyaabaha ka qabsooma buugani horumarinta gobolka awdal 3 sano ee socota ee uu manta daah furay badhasaabku iyo wakhtiga ay wax kaga qabsoomaan iyadoo ay xusid mudantahay in mudooyinkii u danbeeyay horumarka gobolka awdal uu ahaa mid dhinac ka dhuntiyaya oo si uliita  ka dib markii hogaanka gobolka uu la wareegay badhasabka hada jooga ee cabdoo axmed aayar.




BY:Mustafe Caraale




Gobanimo news.com




Borama office