Boqor Maxamed Axmed Yasin oo ah boqorka dhalinyarada Gobolka Saaxil oo maanta warbaahinta kula hadlay berbera ayaa taageeray ururka dhalinyarada Beelaha Subeer Awal ee Jiidali oo dhawaan lagaga dhawaaqay Guud ahaan gobolada Somaliland iyo waliba qaar kamida dalalka qaarada yurub.
ururkan ayaa la sheegay in ay ka shaqayn doonaan isku xidhka dhalinyarada beelaha Subeer Awal iyo aayo katalintooda.
Sidoo kale waxa uu Boqor Maxamed Axmed Yasin baaq u diray Madaxweyne Somaliland isaga oo ugu baaqay in uu Faraha kala baxo shaqooyinka Salaadiinta iyo cuqaasha ee uu wasiirada Xukumadiisa u adeegsanayo.
Halkan ka Daawo