Reysal-wsaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh oo haatan ah Madaxweynaha Maamulka la baxay Khaatumo ayaa sheegay sida ugu dhakhasaha badan ula wareegi doonaan guud ahaanba Gobollada SSC ee Maamulkiisu sheegto.
Galaydh oo Khamiistii markii la doortay kaddib waraysi siiyay Ideecada VOA-da ayaa sheegay in wada hadalo u bilaabmeen Maamulka Puntland, Somaliland-na diiday xataa in beesha Caalamku dhexdhexaadiso, inkastoo buu yidhi Isimo iyo dad wax garad ah Telefoono ay ku wada xidhiidheen.
Cali khaliif waxa kale uu sheegay inay Ciidanka Somaliland ku soo dhici waayeen inay ka saaraan deegaanka Khaatumo ee xilka loogu cimaamaday, isagoo xusay inay dagaal la geli doonaan Somaliland hadaanay si nabad ah iga bixin Sool iyo dhulka kale ee Khaatumo.
Galaydh ayaa sheegay inaanay Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheikh Maxamuud ka filayn inuu aqoonsado Maamulkiisa,hadana waxa uu ku dooday in maamulkiisu uu doonayo midnimo soomaaliyeed.
Halkan ka dhegeyso Waraysi lagula yeeshay barmaamujka Martida mikirifoonka Somali VOA ee Todobaadka :