Far-hareeri(GNA)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo iska hor-imaad ka dhacay deegaan la yidhaahdo Far-hareeri oo ka tirsan deegaamada Kilalka shanaad ee Itoobiya ee koorfurta Buuhoodle.
Iska hor-imaadk a ayaa ka dhashay muran Dhul oo u dhexeeya laba beelood, kaasoo in muddo ah taagnaa.
Sida ay ku waramayaan dadka deegaanku sidoo kale waxa goobta iska hor-imaadku ka dhacay lagu gubay gaadhi yar oo Noah ah, kaasoo ay gubeen mid ka mid ah Maleeshiyaadka dagaalamay.
Maleeshiyaadka Dagaalamay ayaa ka soo kala jeeda Buuhoodle iyo deg-mada War ee Kilalka Shanaad ee Itoobiya, waxaana muranku ka dhashay Meel Baraago biyood laga qoday oo agaas ah.
Saddexda qof ee dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo tiradooda lagu sheegay la ruux ayaa dhamaantood ka soo jeeda dhinac ka mid ah labada maleeshiyo, gaar ahaan dhinaca buuhoodle.
ma cadda Khasaaraha gaadhay dhinaca kale ee ka soo jeeda War-dheer.
Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la keenay Cisbitaalka Hargeysa,sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka ee Magaalada Hargeysa.
Xiisadaha ka dhasha dhul-daaqsimeedka la qoto ayaa ah arrin inta badan soo noqnoqota deegaamada hawdka, waxaana sanadihii la soo dhaafay iska hor-imaadyo noocan ahi ka dhaceen deegaamo badan oo ka tirsan Somaliland iyo Itoobiya, siiba Gobolka Soomaalida.
Gobanimonews
Buuhoodle Office
Email: editor@gobanimonews.com