Pages

Wednesday, August 13, 2014

Burco: Go’aan xukuumaddu ka soo saartay muran Deegaan oo qaydhin ku fashilmay


[caption id="attachment_92948" align="alignleft" width="300"]Odayaasha deegaanka Bali-diiriye Odayaasha deegaanka Bali-diiriye[/caption]Burco(GNA)-Odayaal iyo wax-garad ka soo jeeda mid ka mid ah Beello ku muransanaa Deegaan ku yaalla waqooyiga Togdheer oo la yidhaahdo Bali diiriye, ayaa ku gacan saydhay go’aan ay maanta  soo saareen wasiirro xukuumadda ka socda oo daminta xiisadaasi u joogay burco, kaasoo ay ku tilmaameen cadaalad daro.




Wasiirrada xukuumadda ayaa go’aanka ay soo saareen u gudbiyay labada dhinac ee  muranku ka dhexeeyay Maanta oo Arbaca ah, iyadoo go’aanka wasiirrada lagu xusay in deegaanka khilaafku ka taagnaa laga dhigayo Dhul-daaqsimeed ka madnuuca ah Magaaleynta.




Duqeyda u hadlay Deegaanka ka soo horjeestay go’aanka Xukuumaddu soo saartay ayaa ku dooddaya inay dawladdu leedahay hala baabiiyo magaalo boqol sanaddood  jirtay “Magaalo saddex boqol oo sanno jirtay hala baabiiyo maaha arrin aanu caddaalad u aragno”ayey yidhaahdeen Odayaal Warbaahinta la hadlay.




“arrintaasi waa mid cadaaladda ka fog oo aanaan aqbali Karin”ayey hadalkooda raaciyeen.




Sidoo kale Odayaasha hadlay ayaa madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu baaqay inuu go’aankaas ka noqdaan, hadii kale ay nabad-gelyo daro ka dhalanayso “Madaxweyne Warqadan ayaa magacaagu ku qoranyahay ee haddii aad adigu go’aankan soo saartay ka noqo, hadii kale wasiirradaada soo saaray inay ka noqdaan kula tali”ayuu yidhi xubin ka mid ah Odayaasha Deegaanka Bali-diiriye.




Ma jiro wax war oo dambe oo dhinaca Xukuumadda ka soo baxay, taasoo ay kaga jawaabayso diidmada dadka deegaanka, hase ahaatee xubno ka mid ah Wasiirrada hawshan galay oo goor sii horaysay warbaahinta la hadlay ayaa labada dhinacba ugu baaqay inay u hogaansamaan qaraarka dawladdu soo saartay.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com