Pages

Monday, August 4, 2014

Boqolaal ku dhintay Dhul-gariir ka dhacay Shiinaha


[caption id="attachment_92328" align="alignleft" width="300"]Kooxaha Gurmadka Kooxaha Gurmadka [/caption]




Yunnan(GNA)-381 qof ayaa ku dhintay Dhul-gariiro xooggan oo axadii todobaadkan ku dhuftay dhulka miyiga ee gobolka Yunnaan ee koonfur galbeed dalka Shiinaha.




In ka badan 1800 oo kale ayaa lagu soo waramay inay ku dhaawacmeen Dhul-gariirkaasi oo cabirkiisa lagu sheegay 6.1-magnitude quake, xisaabta lagu cabiro.




Kooxaha Gurmadka deg dega ah ee dalkaas shiinaha ayaa ku hawlan sidii ay gargaar u gaadhsiin lahaayeen dadka ka badbaaday Dhul gariirka ee ku nool dhulka gobolka uu ka dhacay.




Sida ay warisay Wakaaladda Wararka ee Xinhua, Dhu-gariirka ayaa saameeyay dhul baaxadiisa lagu sheegay 225 KM Gobolka Yunnan oo ah Gobol  Buuralay u badan oo ku caan ah Dhul gariirada.




Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ah Haweenay ayaa sheegtay “dhamaan guryaha oo dhan waxa soo gaadhay dhaawac, qaarkood ayaa si xun u burburay”ayay tidhi.




Dadka ka badbaaday waxyeelada dhul-gariirka ee Gobolkaasi ayaa ka qayb ka qaadanaya baad goobka dadka waxyeelobay, waxaanay burburka guryaha ka hoos gurayaan Maydadka iyo dadka dhaawacmay.




Caqabada ugu weyn ee ka hor-timi  Gurmadka degdeg ah ee loo fidinayo dadka ayaa waxa weeye waddo xumo, kaddib markii ay burbureen Waddooyinkii gobolkaasi aadi jiray.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com