Pages

Tuesday, August 5, 2014

Boosaaso oo Qarax Ismiidaamin ah lagu dilay Laba Taliye Ciidan iyo Askar kale


Daawo:Maydadka Taliyeyaashii Bilayska iyo Cashuuraha ee Gobolka Bari iyo qof ismiidaamiye ah oo maydkooda meel laga wada qaaday




[caption id="attachment_92362" align="alignleft" width="300"]Qurubyada qofkii fuliyay weerarka Qurubyada qofkii fuliyay weerarka[/caption] Boosaaso(GNA)-Ugu yaraan Shan ruux oo  u badan Saraakiishii Ciidanka Bilayska iyo kuwa Cashuuraha Beriga ugu sareeyay ayaa lagu dilay gelinkii dambe ee Maanta Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri.




Weerarka oo uu gestay qof natii hure ah ayaa sababay dhaawaca dad gaaraya 16 ruux oo rayid iyo askar isugu jira, waxaana goobta uu ka dhacay laga helay qaybo ka mid ah xubnihii qofka fuliyay oo la aamisanyahay inuu alshabaab ka tirsanaa.




Warbaahinta Alshabaab ayaa tebisay inay weerarkaasi fuliyeen Dagaalyahano ka titsan kooxdu, inkasta oo aanay saraakiisha ururku hadlin.




Waa sarkaalkii labaad ee lagu dilo weerar noocan ah sanadkan gudihiisa Gobolka Barri, waxaa bilihii la soo dhaafay sidan oo kale goor galab ah weerrar loogu khaarajiyay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta ee Gobolkaasi.[caption id="attachment_92363" align="alignleft" width="300"]qurubyada qofkii fuliyey werarka qurubyada qofkii fuliyey werarka[/caption]




Wariye goobta qaraxu la dhacay tegay oo magaciisa la yidhaahdo Bashiir Cumar Cali ayaa soo sheegay  in dhimashada saraakiisha ciidanku ay  tahay Taliyaha Booliska Bari,Taliyaha Canshuraha Bariga Bosaso,Askari iyo ruuxii is qarxiyay.




“Dhawacyada ayaa u badan rayid”ayuu yiri goob-jooge kale.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda sare ee Maamulka Puntland oo ku aadan weerarkan khasaaraha culus geystay.




La soco wixii war ka soo kordha...