Sunday, August 10, 2014

Boorama: Hambalyo Meher


hamlayo isna




Borama (GNA)-Madax-dhaqameedka Cuqaasha Waxgaradka  Salaadiinta,dhalinyarada,aqoonyahanka iyo Dhamaanba Haldoorkani waxa ay hambalyo Meher wacan u dirayaan Boqorka.Axmed Sidiiq Yuusuf iyo Marwadiisa Ayaan Dahir Askar oo maanta gudoonkoodu ka dhacay magaaladda Boorama ee Gobolka Adal .




Munaasibadii Meherka lamaanaha Da’da yar kalaahaaMudane Wallaalkay Ahmed Sidiiq Yusuf Iyo Marwadiisa Ayaan Dahir Askar ayaa ahaa Mid si heer sare ah loo soo Agaasimay oo Maqaamkeedu sareeyo.




Waxaana  Madashaasi oo ahay mid laysku arkay Gacmaha laysku dhaafsaday laguna kala Gudoomay, sidii Caadadu ahayd Sooryo Qaran iyo Gabaati Gobeed.




Xafladan laysku gu Guurinaayey lamaaanahan is is Calmaday oo ahayd mid qaab-maamuuskeedu aad u qurux badnaa waxa ay Madaxdii iyo marti saraftii tirade badnayd ee meesha iskugu timi ay Hambalyoiyo Duco u direen, Mudanah Ahmed Sidiiq Yusuf Iyo Marwadiisa Ayaan Dahir Askar oo meherkoodu ka qabsoomay boorama.




 Waxaana Madashaas Sidii Soomalidu ku Caan baxday, kuna Qotontay Diinteena Suuban, si Gacltooyo iyo kala raali ahaansho ay ku dheehan tahay laysu waydiistay laysuna siiyey Wiilka iyo Gabdha iska Xushay Gayaankoodba Idilkii.




 Hadaba waxa hambalyo iyo Salaamo qaaliya u diraya dhammaan musuuliyiinta Madax-dhaqameedka Cuqaasha Waxgaradka




Salaadiinta,dhalinyarada,aqoonyahanka iyo Dhamaanba Haldoorka oo kala ha Suldaan Cali Kooshin Xildhibaan Maxamuud Jaamac Xaaji Cilmi Caaqil Cumar Jaamaca Xaaji Climi Maxamed Aadan Ilka case ,agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland,Ganacsade Farxaan Liibaan,ganacsade Farxaan Xaaji Cali Faaco,Cali Xiis Cabdi Jaamac Oday Xasan Aw-Libaax Oday Axmed Macalin Maxamuud Maxamed Siciid Engineer.Cabid rashiid Maxamed Gunti Garyaqaan Aadan X.Cali




 Waxaana gabagabadii Dhamaan Ehelada Qoyseska Cusub Madaxda iyo Masuuliyiintii Madashu kulmisay ay si siman ugu Hambalyeeyeen Qoyska sidoo kale waxay Alle uga baryeen inay Guul ka gaadheen Hadafkooda Nololeed 




 waxaanay Ilaahay uga baryayaan inay noqdaan  kuwii ku noolaada farxad,Guul iyo barwaaqo Ubad kheyrqabana kala hela, gurigii lagu nastee lagu nagu nagaado Raboow ka yeel.




Aamin aaaaaaaaaamin     aaaaaaaamin