Pages

Saturday, August 9, 2014

Aroos nooc cusub ah kana yaabiyay dadweyne fara badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho


mooto-bajaaj-500x266(GNA) Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay aroos nooc cusub ah, kaasi oo sababay in boqolaal dadweyne ah ay u soo daawasho tagaan waddooyinka iyo gurigii la geynayay aroosadda.




Dadweynaha ku dhaqan degmada Wadajir iyo degmooyinka ku dhow dhow ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si weyn ula yaabeen arooska lagu galbinayo Mootooyinka nooca Bajaj-ka loo yaqaano ee saddexda lugood leh.




Arooska iyo aroosadda oo saaran mid ka mid ah Mootooyinka Bajajka ee saddexda lugood leh oo ay daba socdaan ku dhowaad Boqol Mootooyinka noocaas ah ayaa socod dheer ku maray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.




Qof joob jooge ahayd waddo ay marayeen arooska ay galbinayeen Mootooyinka Saddexda lugood leh ee Bajajka ayaa sheegtay in tallaabadani ay tahay tii ugu horeysay aroos lagu galbinayo Mootooyin, iyadoo inta badan aroosyada lagu galbinayay gawaarida yaryar ee nooca raaxada ah.




Waa markii ugu horeysay oo Mootooyinka saddexda lugood leh lagu galbiyo aroosyada, taasi oo noqotay mid si weyn u soo jiidatay isla markaana ay la yaabeen dadweynaha magaalada Muqdisho oo iyagu si yaabo kala duwan u soo dhoweeyay galbinta arooska cusub.




 




Gobanimonews.com