Dawladda oo dhankeeda guul sheegatay iyo wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka
Mogadishu, 09 August 2014 – (GNA)-Dawladda Soomaaliya iyo Kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta ayaa guul mid walba dhankiisa ka sheegtay dagaal xalay Magaalada Buulo-burte ku dhex maray Xoogga Dawladda iyo Dagaalyahano alshabaab ah.
Dagaalka ayaa dhacay goor saqdii dhexe ku beegnayd xalay.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow warbaahinta la hadlay maanta ayaa daboolka ka qaaday in Kooxda Alshabaab dagaalkaas xalay lagu jabiyay.
Wasiirka ayaa sheegay in kooxihii soo weeraray ciidanka lagu laayey goobtaas. “6 ka mid ah meydka oo uu ku jiro horjeegihii kooxda Al-Shabaab ayaa weli yaalla goobta, tanoo keentay in kooxahan ay isku dayaan inay qaataan meydkaas, hase yeeshee waa laga itaal roonaaday marwalba oo ay weerar soo qaadeen”ayuu yidhi dhuxulow.
Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Argagaxisada Al-Shabaab oo si ba’an looga guuleystey Buulo Burte ayaa waxey ka mid tahay guulahii isdabo jooga ahaa ee looga soo horjeeday kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan dalka. Dowladdu wey ka go’an tahay in la sii wado dagaalka kooxaha nabad-diidka ah si dalka loo gaarsiiyo xasilin, nabad iyo barwaaqo. Kooxaha argagaxisadu waxey shacabka u diidan yihiin nabad, xasilin iyo barwaaqo, iyagoo diidan dowladnimo, maamul wanaag, kala sareynta sharciga iyo horumarka dalka.”
Laakiinse Afhayeenka dhinaca Hawl-galada kooxda Alshabaab Abu-muscab oo warbaahinta Alshabaab la hadlay ayaa sheegay inay Mujaahidiinta xarakadoodu jab weyn u geystay AMISOM iyo ciidanka dawladda.
Abumuscab ayaa sheegay “9 Ciidanka Djibouti ah ee Hiil-gumaysi iyo afar kuwa dawladda ah ayaa lagu dilay dagaalka, afar gaarina waan ka gubnay, jab xooggan ayaa loo geystay ciidanka Hiil-gumaysi iyo murtidiinta,”ayuu yiri.
Xaalada magaalada ayaa degenayd Maanta, waxaana gacanta ku haya oo fariisimadoodii fadhiya ciidanka dawladda iyo kuwa ka amar qaata amisom.
Ciidanka dawladda iyo kuwa alshabaab ayaa dhowr jeer fooda isku daray dagaal degmada Buulo-burte bilihii la soo dhaafay.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com