[caption id="attachment_93005" align="alignleft" width="300"]
Hooyooyinka Afrika oo ubad badan dhalaya [/caption]Warbixin ay soo saartay hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay in dhamaadka qarnigan ay dadka dunida 40% noqon doonaan Afrikaan, iyadoo tirada dadka afrikaanka ah la sheegay in ay gaari doonto 4 bilyan oo ruux marka laga gaaro sanadka 2100-ka.
UNICEF warbixintan ka soo baxday ayaa lagu cadeeyay in 35-ta sano ee soo socota ay dhalan doonoon caruur Afrikaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 1.8 bilyan ,iyadoo sanadka 2050-kana caruurta da’doodu ay ka hooseyso 18-ka sano ay gaari doonaan hal bilyan gudaha qaaraddan.
Inkastoo uu hoos-u dhacay bacranka dumarka Afrika hadana waxaa lagu wadaa in ay laba jibaaranto 35-sano ee soo socota ,waxaana 40% caruurta adduunka ay noqon doonaan kuwa Afrikaan ah sida la xusay.
David Anthony oo kamid ah dadka sameeyay cilmi baaristan ayaa sheegay in la sii saadaaliyay ka hor intii aan lagu dhaqaaqin howshan, waxaana jira warbixinno kale oo arintan la xiriira, kuwaasoo iyagana qaarkood lagu daabacay wargaysyada adduunka.
“Tirada dumarka caruurta dhalaya waa ay sii kordhi doontaa ,taasi oo sahlaysa in ay kor-u kacdo caruurta la filayo in ay Afrika hesho sanadaha inagu soo aadan “ayuu yiri Anthony oo tilmaamay in arintan ay masuuliyad dheeraad ah ka saarantahay dowladaha Afrika.
Kala bar geerida ku timaadda caruurta adduunka ayaa la sheegay in inteeda badan ay ka dhacdo qaaraddan ,iyadoo 11-kii cunugba ay geeriyoodaan ka hor inta aysan gaarin shanta sano ee ugu horeysa cimirgooda tan iyo 1990-kii.
Ugu danbayntii Anthony ayaa sheegay in caruurtan ay heli karaan fursado fiican oo dhinaca nolosha ah ,taasina ay ku xirantahay hogaamiyayaasha mustaqbalka ee Afrika imaan doona, iyadoo ay jirto cabsi laga muujinayo suurta-galnimada in faqriga iyo gaajada ay sii kordhaan.