Burco(GNA)-Odayaasha, Qurbajooga, iyo Waxgaradka Gobolka Togdheer ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen kaga dhawaaqay Bilowga iyo Qaadhaan ururinta Dhismaha Waddada Hawdka ee ka baxda Magaalada Burco.
Kulankan ayaa lagaga hadlay Muhiimadda ay leedahay Waddadani iyo sida ay Bulshada reer Burco wixii ay isugu tagaan uga midho dhaliyaan, waxaanu ku qabsoomay hotel deero ee magaalada burco.
Odayaashii iyo Salaadiintii halkaasi ka hadashay ayaa soo bandhigay sida loogu baahnaa in maruun la sameeyo Wadadaasi oo halbowle u ah Deegaamo badan Somaliland ah gaar gobolka togdheer, oo ay Gaadiidka u baxaa dhibaato badan kala kulmaan.
Qaar ka mid ah dhinacyada kulanka ka qayb galay ayaa sheegay inay dedaal dheer u galeen sidii wadadaasi dheer loo dhisi lahaa, dhanka kale qaar kamida Madax dhaqameedka Gobolka Togdheer oo halkaasi hadalo kasoo jeediyey waxay ku dhawaaqeen Xoolo ay ugu deeqeen wadadaasi, halka qaarkoodna ay Gaadiid ku yabooheen.
Oday Faarax oo ka mid aha Odayaasha Qurbajooga ayaa ku dardaarmay in shacab iyo dawlad ba loo gurmado waddadani, waxaana uu si gaara ula dar daarmay dadka kasoo jeeda Gobolka Togdheer oo inta badan lagu xanto inay yihiin dadka keliya ee isku raaca iskaa wax u qabso, iyagoo barnaamijkaasi iskaa wax u qabso ku sameeyey mashaariic aad u badan oo laga hir geliyey Gobolka Togdheer.
Maayarku xigeenkii hore ee Burco Axmed Cabdi Falay oo ka mid ah xubnaha hawshaasi hormuudka ka ahaa ayaa isna goobta ka akhriyey ajandaha kulankani, intaas kadibna kaga dhawaaqay Guddi Farsamo oo soo xuli doonta guddi la sheegay inay Wadi doonto Qaadhaanka iyo Dhismaha Waddadaasi Hawd ka oo hadii la dhiso wax badan ka badali doonta dhaqaalaha iyo ganacsiga isu socodka Dalalka Itoobiya iyo Somaliya oo ay Xuduud la leedahay.
Maayirka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi Muraad oo isan halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan hore u qoondeeyeen Dhismaha wadadaasi ayna ku darsadeen qorshahooda ka dawlad hoose ahaan, Maayirka ayaa sheegay inay dhaqaale dhan u hayaan wadadaasi 20$ Dollar, sidoo kale waxaa uu balan qaaday inay dhisi doonaan bilaha soo socda halka1KM ee ugu Horeeya, dhamaan gaadiidka iyo Cagaf cagafyada dawlada hoosene qeyb laxaadle ka qaadan doonaan dhismaha wadadaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo isna kulan kaasi soo afmeeray ayaa aad u bogaadiyey shulada kala duwan ee reer burco kuna amaanay wax qabadkooda iyo sida ay iyagu isku kalsoon yihiin, Maxamed Muuse ayaa amaan usoo jeediyey Salaadiinta Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Togdheer sida ay ugu hawlan yihiin Horumarinta Gobolkooda, waxaana uu balan qaaday isagooo ka wakiila Xukuumada dhexe inay wixii la qaban karaan ay la qabanayaan iskuna barbar taagayaan.
Si Kastaba ha ahaatee Dhismaha wadan ayaa ahayd mid ay tabayeen dad badan oo reer togdheer ah islamarkaana ku noolaa mduan deeganada ay marto wadadaasi Hawdka, waxaana hadii la dhiso ay wax badan ka badeli doontaa Horumarka Gobolka Togdheer sida dhaqaalaha iyo Ganacsiga, waxaana ay wadadani Xuduud la leedahay Wadooyin badan oo ka yimaada Dalalka aanu jaarka nahay ee Itoobiya iyo Somaliya.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Emal: Axmedmm9@hotmail.com