Pages

Tuesday, July 8, 2014

Xeerka Saxaafadda Somalia: RW. oo furay shir kale oo lagaga dooddayo


xusuus




Muqdisho, July, 07, 2014....(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta Mustafa Sheekh Cali “Dhuxuloow”, ayaa galabta furay shirka wadatashiga xeerka Saxaafadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta.




 Shirkan oo xidhiidh la leh kuwo hore oo gudaha dalka iyo dibadiisa labu qabtay, ayaa wuxuu soconaya muddo 2 cisho ah, waxaana ka soo qeyb galay wakiilo ka socday Hey’addaha warbaahinta, Ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta iyo guddiga madaxa banaan ee ku howlan diyaarinta xeerka saxaafadda Soomaaliya.




Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Mustafa Sheekh Cali “Dhuxuloow” oo ugu horreyn kulanka ka hadlay ayaa sharaxay xiligii uu soo bilowday xeerkan saxaafadda iyo marxaladihii kala gadisanaa oo uu soo maray, isagoo sheegay in guddigan ay qodob qodob uga doodeen xeerkan isla-markaana ay ka reebeen waxyaabihii ay u arkeen in aysan dan ugu jirin dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxayna ku soo dareen qodobo ay u arkeen inay yihiin kuwo wanaagsan, iyagoona ugu baaqay wariyaasha ka qeyb galayay kulanka in ay tallooyin ku darsadaan xeerkan Saxaafadda si uu u noqda mid iyaga difaaca Mustaqbalka.




reysalRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo Shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay madaxda Warbaahinta iyo Wariyeyaasha Somaaliyeed inay taageeraan Xeerka Saxaafadda, waxaana uu sheegay in xeerkaan waxbadan oo xuquuq ah siinayo saxafiyiinta, ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay xeerkana ay tahay in la helo qaab bulshadu ugu wada adeegto horumarka dalka.




 “Waxaan balan qaadayaa in markasta ay ku dadaaleyso xukuumaddu xorriyadda warbaahinta iyo difaaca xorriyatul qowlka, waxaana cadaynayaa in xukuumaddu wax cadaadis ah ku saarayn saxaafada in ay aqbalaan xeerkaan, xukuumadu waxay soo dhaweynaysaa wixii talo iyo tusaale ah oo lagu kordhiyo sharcigan saxaafada, si loo helo sharci dammaanad qaadi kara xaquuqda wariyaha iyo dhammaamba howlwadeenada warbaahinta xorta ah, taladooda iyo awoodoodana isugu geeya sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalida dalka” ayuu yiri RW Cabdiwali.




Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in dowladdu ay ku jirto dagaal, loona baahanyahay warbaahintu  gacan ka geysato sidii loog adkaan lahaa kooxaha dhibaatada ku haya wariyeyaasha iyo bulshadda qaybaheed kala duwan.




Xeerkan ayaa kulamo kan ka horeeyay oo looga dooday waxa lagu qabtay Magaalada Nairobi iyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana diyaariyay guddi madaxbanaan warbaahintu qayb ka tahay.

















IMG 7820  1


 


IMG 7816


 


IMG 7841


 


IMG 7871













IMG 7847


 


IMG 7862




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com