*Xeerka koobaad: sababta iyo maxsuulka*
Wax kasta oo adduunka jiraa waxa uu ku yimaaddaa sabab. Sabab kastaana
waxa ay keentaa raad halka raad kasta uu keeno sabab ama asbaabo badani.
Haddaba sababaha ogsoonow ama ha ogsoonaane ma jiraan adduunka wax bilaa
sabab iskaga yimaaddaa.
Haddaba waxa aad kartaa in aad hesho wax kasta oo aad adduunka
jeceshahay waa haddii aad yeelato han iyo himilo kadibna aad cagta
saarto wadadda ama dhabadii ku gaadhsiin lahayd hiigsigaagaa.
*Xeerka labaad: fikirka*
Sababta keenaysa guusha ee aan xeerkii koowaad ku soo sheegnay waa mid
ku imanaysa fikir. Fikirkaaga ayuun baa noqda noloshaada. Hadba inta aad
fikirto iyo halka aad heerka fikirkaaga gaadhsiiso ayuunbaad gaadhaysaa.
Haddaba had iyo jeer ku fikir waxa aad doonayso in aad noqoto oo
waqtigaaga ha ku lumin waxyaabaha aanad danaynayn.
*Xeerka saddexaad: dhisida khiyaalka*
Si la mid ah sida dunidan aad ku guud nooshahay u samayso duni kuu gaar
ah oo aad ku noolaatid kana fikirtid mar walba. Iskuna day in aanad ka
daalin dhisida iyo habaynta dunidaa kuu gaarka ah illaa aad xaqiiqo u
baddalaysid.
*Xeerka afraad: iska soo horjeedka nolosha*
Noloshaada iyo hab fikirkaagu had iyo jeer way iska hor imanayaan. Waxa
jira iska soo horjeed toos ah oo ka dhaxeeya hab-fikirkaaga,
hab-dhaqankaaga, dareenkaaga iyo kasbashada khibradaha kugu xeeran.
Waxa kale oo jira iska soo hor jeed ka dhex dhici kara fikirkaaga iyo
caafimaadkaaga, hantidaada, deegaankaaga iyo guud ahaan bulshada aad ku
dhex nooshahay.
*Xeerka shanaad: aaminsanaanta*
Hadba waxa aad aaminsantahay waa hadba sida noloshaadu noqonayso.
Aaminsanaantani maaha tu ku timid ka dib marka aad aragto waxaaas aad
aaminayso, se waa mid aad naftaada u sii sheegtay in ay dhici karto
kadibna aad gaadho.
*Xeerka lixaad: toosnaanta*
Had iyo jeer raac wadada toosan oo iska ilaali weeweecadka. Hadba sida
aad dadka kaa ag dhaw aad u wanaajiso ayaad u noqonaysaa qof toosan.
Had iyo jeerna samee kaliya waxa aad awooddo oo ha isku qaadin wax aanad
karayn. Hana ka baqan oo ha ka joogsan wax aad qaban karaysid ee had iyo
jeer qiyaas awoodaada inta ay leegtahay kuna dhaqaaq hadba wixii kula
gudboonaada.
*Xeerka todobaad: isku dubaridka*
Fikirkaaga iyo khiyaalkaaga isku duba rid kuna dabaq noloshaada caadiga
ah si aad u gaadho guushii aad hiigsanaysay.
Ugu horrayn fikir, same duni ku gaar ah, isku dubarid una badal dhab iyo
xaqiiqo la taaban karo.
*Xeerka sideedaad: balwadda*
Wax kasta oo aad samayso waa mid ka yimid balwaddaada ha xumaato ama ha
fiicnaato e. Waxa kaliya ee aad ku gaadhi kartaa guul aad jeceshahayna
waa adiga oo caado ka dhigta ku celcelinta waxaas oo ay kuu noqoto
balwad. Waxaas aad balwadda ka dhigatay hubaal guul ayaad ka gaadhaysaa.
*Xeerka sagalaad: go’aan qaadashada*
Go’aan qaadashadu waa mid ka mid ah waxyaabaha sababa qof in uu guul
gaadho. Horumar kasta oo la taaban karo oo noloshaada ku yimaadda maaha
mid iska yimid ee waa mid ku yimid go’aan qaadasho qurux badan oo aad
samaysay.
*Xeerka tobnaad: farxadda*
Noloshaada quruxdeedu waxa saldhig u ah hadba sida aad ugu faraxsan
tahay. Farxadduna waa mid aad abuuran karto. Haddii aad doonaysid in aad
farxad ku noolaato ha faallayn waqtiyadi xumaa ee aad soo martay hana ka
sii wer werin waxa aad beri la kulmi doontid ee faallee nimcada aad
maanta haysato oo Ilaahay ugu mahadnaq markaas ayaad farxadda dareemi
doontaa.