Muqdisho(GNA)-Ciidamadda Dawladda Somaliya ayaa sheegay in fashiliyay Weerar ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu qaado Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeen u hadlay Ciidanka Dawladda Soomaliya ayaa sheegay in la qabtay Gaadhi laga soo buuxiyay Walxaha qarxa oo ku sii jeeday dhinaca Garoonka Diyaaradaha, kaddib markii ay Ciidamada ka war heleen weerarkan la soo qorsheeyay.
Dhinaca kalena Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Soomaaliya ayaa ka badbaaday isku day la doonayay in lagu dilo, kaddib markii Gaadhi uu leeyahay oo yaallay meel banaan ah lagu xidhay Walxaha qarxa .
Gaadhigaasi ayaa qarxay, mana jirto cid wax ku noqotay, sida ay saraakiisha Bilaysku sheegeen.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com