Sunday, July 13, 2014

Wasiir Xirsi oo Hay’addaha Xukuumadda amar culus oo uu kula xisaabtamayo dul-dhigay


Akhri: nuxurka Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Madaxtooyada oo lagu socodsiiyay dhamaan Hay’addaha Xukuumadda iyo Jawaabta laga bixiyay.Warbixin




xitsiooHargeysa(GNA)-Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ayaa dhamaan Hay’addaha Xukuumadda ka dalbatay inay u soo gudbiyaan waxqabadkoodii lix biloodka sanadka wakhti ku siman todobaad gudihii oo maalinta berri ku dhamaanaysa.




Sidaas waxa lagu amray warqad ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee uu madaxda ka yahay Wasiirka awoodda badan Xirsi Cali Xaaji Xasan, taasoo nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay.




Dhamaan Hay’addaha Xukuumadda ayaa lagu amray inay soo gudbiyaan Waxqabadkooda lixdii bilood sanadka, taasoo muujinaysa la xisaabtan hor leh oo Hay’addaha, siiba kuwa xukuumiga ah lagu sameynayo.




Inkasta oo aanay ahayn arrin cusub, hadana waa markii ugu horaysay ee Wasaaradda Madaxtooyadu amar noocan ah dul dhigto Xafiisyada madaxda laga magacaabay qasriga, kuwaasoo iyaguna awaamiir la mid ah taas oo ay ku dalbanayaan macluumaadka waxqabadka Hay’addooda u gudbiyay madax hoosaadyada ama agaasime-waaxeedyada la shaqeeya.




Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha qaar ayaa  si ay uga jawaabaan dalabka Wasaaradda Madaxtooyada, iyaguna soo saaray wareegtooyin ay ku sii amrayaan saraakiisha laamaha Hay’addaha ay masuulka ka yihiin.




Wareegto:??????????????????????????????? ???????????????????????????????




Wasaarad shaqadeeda ka leexatay




Wasaaradda madaxtooyada ayaa bilowgii dhismaha Xukuumadda laga ka reebay Wasaaraddaha, inkasta oo  Wasiir xirsi loo u magacaabay xil ku cusub Hay’addaha Xukuumadda (Chief of Cabinet), hase ahaatee tan iyo markii madaxweynuhu dib u magacaabay muddo kaddib, waxa muuqatay in Madaxa Wasaaraddu  ku foognaa marrimo kale oo siyaasaddeed.




sanadkii hore ayaa  Golaha Baarlamanku waydiiyeen Wasiir xirsi  sababta uu  ugu koobnaan  waayay  shaqada Wasaaradiisa oo ay arrintan hada uu sameeyay ka mid tahay, waxaase uu  ku doodday inuu helay fursad uu ku abuurtay shaqooyin kale oo aan shaqada xafiiskiisa ku qeexan, balse ay wasiirradii ka horeeyay  ka gaabiyeen.




Waxaana ka mid ah Maamulka Hay’adda Waddooyinka Dawladda oo la hoos geeyay iyo furdaaminta arrimo siyaasaddeed ama kuwo  bulsho oo heer madaxweyne maarayntooda looga jawaabi lahaa, iyadoo arrintaasi keentay inuu yeesho sawir ka muuqaal weyn mansabka uu fadhiyo, ilaa hadana la aaminsanyahay inuu awoodda madaxweynaha maroorsaday, kuna shaqeeyo.




 Gudasho waajib




Wasaaradda Madaxtooyada ayaa isku duba ridaysa dhamaan waxqabadka Hay’addaha, taasoo ay ka samaynayso warbixin madaxweynaha loo gudbinayo.




Marka ay sidaas tahay waxa iska cad in talaabadan ay qaaday sax tahay, isla mar ahaantaana la xisaabtan jawaab u noqon kara shacbiga laga dheehan karo, waa hadii sida ay tahay loo fuliyo, lagana saaro  wax buun-buunin ah.




“haa tani waa shaqaddeedii, waanay ku sax santahay, haday talaabadaas qaado”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay khabiir muddo dheer ka soo shaqaynayay Hay’addaha dawladda.




Sidaasoo ay tahay, Ilo-wareedyo kale oo aan helay waxay sheegayaan inaan wali Hay’addaha qaar soo gudbin warbixinta waxyaabihii u qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana jira mashaariic badan oo qabyo ah oo ay ahayd inay Hay’addaha xukuumaddu fuliyaan ugu dambeyn horaanta sanadka.




Mashaariicdaas waxa ka mid ah kuwo ku taxaluqa adeegyada aasaasiga ah ee Bulsho, sida Cisbitaallo iyo saldhigyo Bilays, kuwaasoo dhaqaalaha lagu dhisayaa Miisaaniyadda dawladda ku jireen labadii sannadood ee ugu dambeeyay.




Si kastaba ha ahaatee inkasta oo aanay muuqan waxqabad balaadhan oo ay xukuumaddu fulisay lixdii bilood ee sanadkan,wallow wax badan dhismahooda la yagleelay, hadana in la helo xog rasmi ah oo looga duullo ku talo galka lixda bilood ee dambe ayaa ah arrin daruuri ah.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com