Tuesday, July 15, 2014

Waa Murugo Abid Noloshayda Aanan Iloobi Doonin’ – Mascherano


 




435061_heroa-620x360Javier Mascherano ayaa guuldaradii xallay xulkiisa ka soo gaadhay Germany ku sifeeyey, Xanuun iyo murugo aan isaga iyo ciyaaryahanada qarankiisu waligood iloobi doonin.




 




Mario Gotze gool uu ka dhaliyey daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa u suurto galliyey Germany inay ku dhex damaashaadaan gudaha garoonka Maracana, Kana dhigay Argentina mid la dalan doosha koob la’aan tan iyo guushii 28 sanno ka hor uu Diego Maradona ku gaadh siiyey koob aduunkii lagu qabtay Mexico.




 




Waxaanu Mascherano sheegay in ciyaaryahanada qaranka Albiceleste wax kasta dul dhigeen ciyaartii Finalka ee ay la ciyaarayeen xulka uu hogaaminayay tababare Joachim Low, isagoo raali gallina u diray shacabka wadankiisa.




 




“Xanuunku waa mid aad u daran,” ayuu Mascherano ku yidhi boga xidhiidhka kubada cagta Argentine FA ay ku leeyihiin shabakada bulshada ee Twitter.




“Wax kasta waanu samaynay oo aanu awoodaynay, aad baanan uga xunahay naftayada iyo tan shacabkayagaba waanu ka raali gallinaynaa.




 




“Murugadu waa mid ilaa waligayo aanu xasuusnaan doono.”