Monday, July 21, 2014

Venezuela Oo Cambaaraysay Qabsashada Israel Ee GAZA .


“Maamulka tel aviv  waxaay caadaysatay  xasuuqa Falastiiniyiinta “




 




Maddaxwayne niclos maduro ayaa axadii soo saaray faalo uu kaga hadlayo qabsashada Israel ee marinka qaza iyo xasuuqa ay halkaas ka wadan




Niclos Madura ayaa sheegay in hawlgalka ay Israel ka wado Gaza aanay cudur daar u noqon doonin inuu dagaal yahay balse uu yahay duulan cad oo lagu xasuuqayo shacabka Falastiin,




Sidoo kale dawlada Venezuela ayaaa meel adag iska taagtay ololaha gadaaman ee  laysku dayayo in labada dhinacba si isku mid ah loogu  xukumo, maddaxawayne niclos maduro isaga oo taas ka hadlaya waxa uu yidhi  “ marka ay wax waliba kuu cad yihiin ma sina dhulka falastiin ee lagu soo duulay lagana wado xasuuq iyo burburin iyo dhulka Israel oo ay ku ka sareyso hanta badan cudud milatari oo xog badana ku hareeraysantahay”




Maddaxa waynaha Venezuela ayaa ugu baaqay haayada qaramada midoobey u qaabilsan xuquula aadamaha ee UNHRC inay kulan dagdag ah ku cambaareeyaan maamulka Israel siyaasada waxshinimada iyo xasuuqa ah ee ay ku hayaan shacabka falastiin ee Gaza.




Sidoo kale , maddaxwaynaha Bolivia  Evo Morales ayaa isna sidoo kale camabareyey qabsashada Israel ee GAZA isaga oo sheegay yidhi “waxa la gaadhay waqtigii la dhamayn lahaa xasuuqa ay Israel ka wado falastiin”




Diyaarada dagaalka ee Israel ayaa weeraro is daba joog ah ka waday marinka qaza 8 july – ilaa 17 july ,sidoo kale kumanaan milatariga Israel ah ayaa gawaadhida gashaaman ku galay deegaanada shacabku daganyihiin




Tiro dhan 478 falastiiniyin ah aya la xaqiijiyey dhimashadooda halka 3000 oo kale ay ku dhaawacmeen dadkan waxa yeeladu soo  gaadhay ayaa u badan caruur iyo maato  isugu jira waayeel iyo haween




.