Borama(GNA) Ururwaynaha samafalka TAWFIIQ Ayaa deeq raashina u qaybiyay dad danyar ah oo ku nool magaalada Boorama deeqdaad raashinka ah oo ka timid gabadh muxsinad ah oo ku nool magaalada London ee Dalka Uk gaar ahaan xaafafada Parking waxa ayna ugu talagashay munaasabada bisha barakaysan ee ramadaan in walaalaheeda islaamka ah ee afdurka u bahaan in ay afuriso.
Deeqdan raashinka ah ayaa waxaa qaybinteeda iska xilsaaray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ururkan Tawfiiq oo uu ka mid ahaa kusimaha gudooiyaha Mudane Mahdi Aadam Riiraash “Suldaan Guray” Iyo Marwo Hibo Barkhad Xasan oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururkan waxa ayna u gaadhsiiyeen sidii loogu talagalay.
waxaa iyagna dhinacooga uga mahadceliyay ururka Tawfiiq iyo muxsinadan u soo dirtay deeqdan raashinka dadkii danyarta ahaa ee la gaadhsiiyay waxa ayna alle uga baryeen in uu miisaanka xasanaadka maalinta qiyaamaha ugu daro waxa gabadhaasi la soo baxday waxa ay jeceshahay aduun iyo aakhirana alle siiyo.








MUSTAFE CARAALE
GOBANIMO NEWS
BORAMA/OFFICE