[caption id="attachment_91356" align="alignleft" width="300"]
Jabhada oo Maydad sida[/caption]Donetsk (GNA)-Maleeshiyaadka la aaminsanyahay inay Reer Galbeedku Taageeraan ee Bariga Ukraine ayaa gaashanka ku dhintay dalabka Wadamada reer galbeedka ee ku saabsan inay soo wareejiyaan Maydadka dadkii ku dhintay Diyaarada Malaysia ee todobaadkan lagu soo riday deegaanka ay gacanta ku hayaan.
Khubaro ay hogaaminayaan Midowga Yurub, ayaa loo diray goobta ay ku soo dhacday Diyaarada Malaysia Airline oo khamiistii lagu soo riday bariga dalka Ukraine, taasoo ay saarnaayeen dad gaadhaya 295 qof oo dhalashooyin kala duwan haysta.
Hogaamiyaha Maleeshiyada gooni-u goosad doonka ah ee Donetsk People's Republic lagu magacaabo Alexander Borodai , ayaa sheegay inaanay marna suurto gal ahayn inay cid kale u gacan geliyaan Maydadka dadkii ku dhintay diyaaradan.
Waxa uu sheegay inay ku wareejinayaan Maydadka eheladoodii iyo cidii uga timaada qaraabadooda.
Alexander Borodai ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Khubarada caalamiga ah ee loo soo diray bur-burka Diyaarada, una ogolyihiin inay baadhis dhamaystiran ku sameeyaan Maydadka iyo bur-burka diyaarada, balse aanay u ogolaan doonin inay qaataan Mayd.
Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii ay kooxda loo diray halkaasi sabtidii sheegeen in layska hortaagay inay gaadhaan goobta diyaaradu ku dhacday. “waanu karnaa oo waxaanu ku wareejinaynaa Dadka dhintay qoysaskoodii, laakiinse waxaanu u ogolnahay Khubarada inay halkan ku baadhaan Maydadka, mana ka horjoogsanayno taas, waxa u ogolaanaya xeerarka Caalamiga ah.” Ayuu yidhi Alexander Borodai oo Waraysi khaas ah siiyay Talefishanka ABCNEWS.
“Waxaanu balanqaadaynaa ammaanka Khubarada iyo inay shaqadooda u gutaan si habsami ah. Wixii intaas ka dambeeyana maydadka waxaanu u qaadi karnaa meelaha ay u kala dhasheen.
Waanu karnaa taas waanan samaynaynaa wax kasta oo wanaagsan, laakiinse ma samaynayno tan ay doonayaan”ayuu hadalkiisa raaciyay Alexander Borodai.
Wadamada Reer Galbeedka oo uu maraykanku hogaaminayo ayaa sabtidii si kulul u cambaareeyey is-hortaaga lagu sameeyay Khubarada loo diray bur-burka DIyaarada, waxaanay ku tilmaameen arrin ka hor-imanaysa shuruucda Caalamiga ah iyo xaqa loo leeyahay in baadhis lagu sameeyo sababta shilka diyaarada.[caption id="attachment_91356" align="alignleft" width="300"]
Jabhada oo Maydad sida[/caption]
Maleeshiyaadkan reer Ukraine ee Ruushku taageero ayaa si toos ah loogu eeddeynayaa inay soo rideen diyaarada oo soo dhacday Khamiistii, hase ahaatee Ruushka iyo dagaalyanadu way iska fogeeyeen eeddaas.
Ku dhawaad laba boqol oo ka mid ahaa Rakaabka Diyaarada ayaa u dhashay dalka Holand, hal qof ayaa u dhashay Maraykanka, kuwa kalena waxay u kala dhasheen dalalka Malaysia iyo Shiinaha iyo filibiin.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com