Pages

Friday, July 11, 2014

Toban Nin Oo Aan Ku Wanaagsanayn Dhaqista Dumarka iyo Dhismaha Qoyska


images(GNA)Khuburo ku xeel-dheer arrimaha Bulshada oo in muddo ah ku hawlanaa sahmin ay doonayeen in ay ku ogaadeen dabeecadaha iyo Dhaqamada raga ay dumarku ugu nacebyihiin in ay nolosha la wadaagaan ayaa natiijadii ay gaadheen ku soo koobay toban nooc oo ragga ka mida ah.




Waxa ay khuburadu ka qoreen sidatan




1-Habari korisay –waa habari korisay ku soo barbaaray kool koolin dheeraad ah. Waa nin naxariis badan oo dabacsan  lakiin cunto badan.waqtigiisa uu firaaqada leeyahayna jecel in uu guriga joogo daawashada barnaamijyada dumarka .inta bandanna waxa uu soo fara galiyaa hawlaha gabadha ama dumarka markaa guriga jooga




2-Bakhaylka-inta badan ma maal la,a lakiin kama muuqato. Waa nin is ururin badan  ma tago faxladaha iyo munaasabadaha haddii aan lagu casuumin inta badana waxa uu ku guursadaa weyni waxa laga yaqaanaa dadaal badni waana nin cabasha badan




3-Ninka Ku bada jecel-waa nin firfircoon oo aad u kal gacal badan  waa nin xamaasad badan oo sheeko badan laakiin ceebtiisu waa nin caadifi ah oo inta badan si fudud u cadhooda jawaab celintiisuna deg deg tahay waa nin mash quulbadan oo aan jecleyn in uu waqti firaaqa ah yeesho




4-Khabiirka Dharxidhashadda-waa nin xarrago badan kuna talax tagay dharxidhashada iyo isqurxinta. Ceebtiisuna waa in uu ka hadlo dharka ay gabadhu gashatay .waxa ay in badan isku diidaan dookha ay gabadhu gaarka uleedahay




Waa nin dhaleecayn badan in badana wax ka sheega waxa aanu isagu keenin




5-Ninka Dumarka Jecel-waa shabeel naagood waxa uu inta badan isku mash quuliyaa in uu gabadh kasta warkeeda ka gun gaadho. Waxa uu caan ku yahay in uu gabadha ula dhaqmo sida ugu sareysa ee ay jeclaanlahayd waxa uu ka dhigaa dahab mar la arrag ah. Laakiin gabadha hodmeysaa waa ta ku daganta kalgacalkiisaa xadka dhaaf ka ah. Laakiin waa in ay ogaataa gabadhu sida uu ula dhaqmo ayuu gabadhaha kalana ula dhaqmaa,




6-Ninka khayaaliga Badan : waa nin deggen oo hadal gaaban oo si qunyar ah usheekeeya .waa nin u muuqda in waxbadan oo wanaagsan uqarsoonyihiin. Waana  sababta gabadh walba u jeceshahay in ay waxwalba oo isaga k saabsan ka gun gaadho wax badana ka barato.ceebihiisana waa nin jecel in uu ula dhaqmo qofka sida ay isaga ula muuqato. Waa nin sawirata in loola dhaqmo sida uu isagu doonayo. Waana sababta keenta fahankiisa iyo in gabadha is afgarataan




7-Ninka Aqoonta Yar- waa nooga dadku uyaqaanaan istus kaas oo jecel in ay qofkasta ogaato aqoontiisa .waxa uuna jecelyahay in uu kalidii ka sheekeeyo golaha waana nin aan gabadhiisa waxba ka dhageysan go,aanna waa kiisa in uu noqdo .




Mawduuc kasta oo laga hadlana waa uu yaqaanaa.waxa kasta ee ay gabadhu kaga badbaadeysana waa in ay noqotaa tiisa ama fulisaa awaamiirsiisa .waana nin muran badan




8-Ninka shaqada badan-waana nin hawl kar guul badan. Hami iyo hiigsi sarena le waa madaalaan unasan shaqo kasta .jecelna in uu dheeraad qabto .waana in bulsho badan  oo dadku aad ugu soo ururaan .laakiin marka aanu leenahay waa madaalaan xisaabta ku darso waa nin aan gabadhiisa waqtisiin gabdhiisana iyo mustaqbalka reerkiisa marna kuma fikiro




9-Gooni Socodka –waa nin naxariis badan oo kalgacl ku caan ah.waa gooni socod aan jecleyn waqti uga dhex lumo shaqadda iyo guriga .ceebtiisu waa in uu yahay daneyste aaminsan in cadceedu udhacdo una soo baxdo isaga oo kaliya waa ragga inta badan aragtida ugu horeysa ay dumarku caashaqaan. Waa nin jecel in uu ogaado wax kasta oo guriga ka dhacaya iyo hawl kasta oo ay gabadhu la wadaagto dumarka kale iyo qoyskeedda.




Waxa uu mooganyahay in ragga iyo dumarku laba abuur kala yihiin dabeecad ahaana kala fog .sidaa awgeed khilaafkiisa ugu horeeyaa waxa uu ku bilaabmaa marka ay udhaqmi weydo sida uu rabay ama doonayay ama dhaqankiisu sida uu yahay .waana nin doonaya in gabadhu ay isaga uun ka shaqeyso oo aaney hawl kale yeelan .hadii uu intaa ka waayo waxaa bilaabmaya khilaafkoodii iyo dagaal.




10-Nin jecel sinaanta-waa nin xamaasad badan mawduuca ugu badan ama xiisyo waa siyaasadda waa nin aaminsan




 




Diyaariye:-C/qaadir Askar




Askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com