Pages

Sunday, July 20, 2014

Telefishanka Qaranka Somaliland oo mar kale Hawada ka baxay caawa.Daawo


Wakhti ku dhow 30 daqiiqo ayey Shaashadu madoobayd, xiligii loogu daawashada badnaa...HOOS KA DAAWO SAWIRO AANU KA QAADNAY SHAASHADIISA..




[caption id="attachment_91275" align="alignleft" width="300"]SLNTVShaashada oo madoobaatay..[/caption] Hargeysa(GNA)-Talefishanka dawladda Somaliland, qaybtiisa Setlite-ka ayaa caawa hawada ka maqnayd wakhti gaadhaya Nusa saac, xilli ka mid ah saacadaha loogu daawashada badanyahay.




Talefishanka ayaa cawada ka baxay abaaro 10:00 Caweysnimo iyo daqiiqado, waxaanu dib ugu soo noqday 10:30-kii, iyadoo ka soo galay Barmaamujka Kasmaal ee ay Maal-geliso Shirkadda Somtel.




Mid ka mid ah daawadeyaasha Talefishanka ayaa Gobanimonews u sheegay in siduu u daawanayay uun uu mar qudha muuqaalkiisu lumay, isla markaana ay Muraayada ka soo muuqatay oo qudha Calaamada Talefishanka iyo qoraal kooban oo xaga hoose yaalay.




Maaha markii ugu horaysay ee uu sidan oo kale mar qudha hawada uga baxo Talefishanka ay Dawladdu maamusho ee Qaranka, kaasoo sanad kasta ay ku baxdo Miisaaniyad u dhiganta ta Golaha Wakiilada ku baxda, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo dhawaan dhaliilo dhanka dhexdhexaadnimada ah u soo jeediyay.




Dhowr jeer oo hore, ayaa qaybta Maxaliga ah ee TV-ga iyo Iddeecada Radio Hargeysa bakhtiyeen, sababo la xidhiidha cilad ku timaada [caption id="attachment_91274" align="alignleft" width="300"]Telefishanka Maaha markii ugu horaysay oo uu bakhtiyo SLNTV[/caption]Mishiinada dabka dhaliya iyo qaybaha kale ee farsamda.




Maamulka Talefishanka ayaan ka hadlin sababta dhalisay Ciladdan caawa timi, iyagoo aan dhinaca kalena daawadeyaasha Raalin u soo gudbin wakhtigii uu Hawada ka maqnaa.




Ugu yaraan saddex afar jeer oo hore ayuu TV-gu u hawada uga baxay cilad xagga Farsamada ah oo aad u yar, taasoo nusqaan ku ah madaxda iyo Shaqaalaha halkaasi ka hawl-gala.???????????????????????????????




Ha yeeshee sii socoshada arrintan ayaan la ogayn qorshaha uga yaala Madaxda Talefishanka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Warfaafinta oo ay khusayso.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com