Pages

Wednesday, July 9, 2014

Somaliland: Suxufiyiin aad u da’yar oo horumar ku talaabsaday. Waraysi


DSC04012Hargeysa(GNA)-Sacad Muuse  Cabdi iyo Siciid Cabdi Xuseen waa laba Suxufi oo aad u da’yar , waxaanay saxaafadda ku jireen cel celis ahaan wakhti aan ka badnayn afar sanadood iyo badh.




Waxay ay dedaal badan ka sameeyeen dhanka horumarinta xirfaddoodan, sida ka muuqata heerka ay marayaan.




Sacad waa Afhayeenka Wasaaradda beeraha Somaliland, waxaanu jaamacadda Hargeysa kaga jiraa Culuumta Beeraha, isagoo shaqadan loo magacaabay bilihii la soo dhaafay.




Siciid oo ka sii yar sacad oo aan wali da’da labaatanka gaadhin, ayaa isna haatan noqday Tafaftiraha Mareeg la yidhaahdo Damalnews oo uu dhawaan aasaasay, taasoo uu kaga kaaftoomay u shaqaynta Hay’addo kale oo uu ka hawl-geli jiray.




Wuxuu sheegay inuu haatan u shaqaysto si madaxbanaan.




Wariyaha Gobanimonews ee Hargeysa Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)ayaa labadan Wiil Waraysi kala yeeshay xirfada ay ka shaqeeyaan sidii ay ku soo galeen iyo hamigooda mustaqbalka.




Waraysigan ayaa qayb ka ah Barmaamujyo aanu ku eegi doono qaybaha kala duwan ee Bulshada, Dadka noocan ah ee horumarka higsanaya.




DSC04011 Halkan ka Daawo: