Bangiga dhexe oo ku dhawaaqay inay Shirkadda Telesom ka Dalbadeen hirgelinta nidaamkan cusub oo dhaqaalaha danyarta saacidaya
“Bangiyada kale ee Ganacsigee la furayo iyagana waxaanu ka dalbanay inay sameeyaan nidaamkan Somaliland Shilling ZAAD”
[caption id="attachment_91428" align="alignleft" width="300"]
Guddoomiyaha Bank Somaliland[/caption]Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshe la doonayo in Adeegga Lacag Dirista ee ZAAD loogu bedelayo Shilinka Somaliland.
Adeegan oo muddo ka badan 9 sanaadood dalka ka shaqaynayay, isla markaana ay hirgelisay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa hore loogu isticmaali jiray Dollar, hase ahaatee Shirkadda ayaa dhawaan xaysiisay inay hir-gelinayso habkan loogu bedelayo (Somaliland shilling), oo uu muddo ka hor bangiga dawladdu ka dalbaday samayntiisa.
“haa way socotaa hawshaasi, waxaanay ku jirtaa tijaabo”sidaas waxa gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom.
Guddoomiyaha Bangiga Somalilanad Cabdi Dirir Cabdi oo waraysi siiyay Gobanimonews, ayaa sheegay in wax ka bedelka lacagta lagu isticmaalo Zaadku ku yimi wada hadalo muddo socday oo ay la yeesheen Shirkadda Telesom oo ay ka dalbadeen in nidaamkan lagu soo kordhiyo (Somaliland Shilling Zaad).
"Arrintaas in badan ayaan ka shaqaynaynay, Shirkadda Telesom waanu ka wada hadalnay, waxaanu tusnay baahida loo qabo in ZAAD Shiling Somaliland ah sameeyo, waayo Shilinka Somaliland waa lacagta kaliya ee sharciga ah ee waddanku leeyahay ee ka shaqaysa, markaa in Dollarka adeega lagu isticmaalo loo bedelo shilling Somaliland muddo dheer ayaannu ka wada hadlaynay, aakhirkii waanu isku afgaranay in sida Kenya oo kale lacagta dalka loo bedelo zaadka” ayuu yidhi Cabdi Dirir .
Waxaanu intaas ku daray “Kenya Lacagta dalkooda ayay Zaad u bedeleen, waxaana la yidhaahdaa (M-pesa), markaa in sidaasoo kale laga dhigo ayaan isku afgaranay Shirkadda, iyana way ku guulaysteen oo waakuwan hada Bulshada u soo bandhigay inay dadku furtaan (Somaliland Shilling Zaad).
Anigu runtii waxaan u arkaa in marka Zaadka loo bedelo Shilling ay waxyaabo badan ka saacidayso danyarta, waayo waxay lacagta Telefoonka lagu shubto ku iibsanayaan lacag aad u jaban oo Shilling ah 2500 Sh/s, ayuu qofka danyaraha ahi ku shubanayaan Taleefoonkiisa, waxyaabo kale oo aanay Dollar ku iibsan Karin ayay sidoo kale ku iibsanayaan Shilling-ka.”.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in talaabadani ay tahay mid xaga sharciga laftiisa ku salaysan, isla markaana dhaqaalaha bulshada danyarta ah saacidaysa. “Sharciyana maaha lacagtu Dollar land ee waa Shiling Somaliland, markaa waxaan rajeynaynaa in nidaamkaasi hir-gelo, Bangiyada Ganacsiga ee la furayo iyagana waanu kala hadalnay inay qudhoodu sameeyaan nidaam Somaliland Shilling Zaad ah. Markaa arrintaasi waa mid dhaqaalaha waddankana wax weyn ka taraysa, siiba dadka danyarta ah iyo guud ahaan dhaqaalaha oo dhan”ayuu yidhi.
Cabdi Dirir Cabdi oo la waydiiyay saameynta uu adeegani ku yeelan karo Sarifka lacagaha qalaad oo aan inta badan qiimihiisu fadhiyin, ayaa sheegay inaanu wax dhibaato ah ku soo kordhinayn dhaqdhaqaaqa lacagaha qalaad ee dalka lagu isticmaalo, balse faa’iidada ugu weyn ee uu leeyahay ay tahay Isticmaalka lacagta Dalka oo kordhaysa.
“walaahi anigu ma aaminsani inuu wax dhibaato ah keenayo adeegani, balse waxa kordhaya isticmaalka lacagta Somaliland, waxaana dhacaysa in Dollar badan oo Zaadka lagu isticmaali jiray suuqa soo galo oo dabadeedna qiimihiisu hoos u dhaco”ayuu yidhi.
Sicirka Dollarka oo fadhiya
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Banka Somaliland waxa uu sheegay inay si weyn uga gaashaanteen Sicir barar ama hoos u dhac ku yimaada Sarifka Lacagaha qalaad oo saameyn ku yeesha dhaqaalaha bulshada, xiligan lagu jiro diyaar garowga Ciidka.
“Dollar-ku berigii hore xilligan oo kale waxa dhici jirto inuu hoos u dhaco , oo lacag badan oo Dollar ahi soo gasho suuqa, inkasta oo aanay wali gaadhin xilligii adxada ee xoolaha la iibsan jiray, laakiinse sanadkan may dhicin, sababtuna waxa weeye si aan sicir-bararka uga hortagno, waxaanu suuqa gelinay lacag badan oo Dollar ah, si aanu uga soo nuugno lacagta Shiling Somaliland-ta ah ee Suuqa ku jirta. Waxaana inaga xiga ilaa laba bilood wakhti aan ka badnayn xilligii moosinka Xajku bilaamayay ee uu jabi jiray Dollarku, markaasna waxaan doonaynaa inaanu ka faa’idaysano oo lacag badan oo Dollar ah ka soo xaraysano.
Laakiinse iminka waxna kuma kordhin, waxna kamay dhicin Qiimaha Sarifka Dollar-ka.”ayuu yidhi Cabdi Dirir Cabdi.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland, ayaa meesha ka saaray jiritaanka Lacag aan nidaamka sharciga ah marin oo ay ka soo daabacdeen dalka Kenya, taasoo dhawaan Wargeysyada ka soo baxa Magaalada Hargeysa qaarkood baahiyeen.
ZAAD Service
Si kastaba ha ahaatee suurto-gelinta adeegan cusub ee Somaliland Shilling Zaad, ayaa hadii uu dhaqan galo, wax weyn ka bedeli doona saameyn kasta oo uu ku keenay dhaqaalaha dalka, taasoo ay dadka dhaqaalaha wax ka yaqaanaa ku tilmaami jireen mid hoos u dhigtay Dollarkii cadaanka ahaa ee wareegi jiray, kaasoo ay Sarifleyaasha yar yari marka ay sarifaan faa’ido ka heli jireen.
Inkasta oo marka si guud looga hadlayo uu wax badan ka taray hanaanka lacag dirista iyo nolosha bulshada, intii uu shaqaynayay si aad ah ugu tanaaday, iyagoo si fudud ugu muraadsada, isla markaana isugu dira lacagaha fudud ee daruuriyaadka ah.
“ku Isticmaal Mobile-kaaga Somaliland Cash ZAAD” ayaa lagu yidhi Xayeysiis Shirkadda Telesom ku soo bandhigtay boodhadh ka taagan Magaalooyinka dhexdooda.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com