Addis-ababa(Gobanimonews) 15-7-2014- Somaliland iyo Itoobiya, ayaa ka wada hadlay sidii xal loogu heli lahaa Xuduudda ay wadaagaan labada dal oo xidhnaa muddooyinkii u dambeeyey, taas oo saamayn ku yeelatay dadweynaha.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Somaliland iyo Itoobiya, hase yeeshee warar ka ag dhow kulan Magaalada Addis Ababa ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Haile mariam desalegn, ayaa la sheegay in si weyn loogu falan qeeyey Xuduudda xidhan ee u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya iyo sidii loo furi lahaa.
Warku waxa uu intaasi ku daray in ay Madaxda Somaliland ay u soo bandhigeen Itoobiya in Xuduudda xidhan ay saamayn ku yeelatay isu gudubka labada dal, iyada oo xusay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo adkaynta Ammaanka labada dal.
Raysal Wasaaraha Itoobiya, ayaa balan qaaday in ay Dawladda Itoobiya furayso Xuduudda dhinacooda ka xidhan, iyada oo Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisuna ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan, isla markaana ay iska kaashan doonaan sidii loo adkayn lahaa Amniga Xuduudda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya, si looga hor tago cid kasta oo khatar ku ah nabad gelyada labada Dawladdood.
Talaabadan Dawladda Itoobiya ku balan qaaday in ay ku furayso Xuduudda ay la leedahay Somaliland, ayaa la filayaan in ay caqabad weyn ka hor taago dadweyne badan oo reer Somaliland ah oo doonaya in ay u talaabadaan dhinaca Itoobiya oo ay u tegayaan hawlo caafimaad iyo kuwa kalena, halka Qurbo jog reer Somaliland oo dalka Dibediisa ka yimaada oo Itoobiya soo maraa ay kala kulmeen caqabad Xuduudda xidhan.
Xigasho Wargeyska SAXANSAXO
Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil
