Madaxweyne Siilaanyo oo Xukuumaddiisa ku soo daray laba xubnood oo Siyaasadda ku cusub…
Hargeysa(GNA)-Cabdi-kariin Axmed Mooge ayaa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda .
Masuulkan ayaa ah Nin Dhalinyaro ah oo muddo dheer ka soo shaqaynayay Ururrada Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee somaliland ka hawl-gala.
Magacaabistiisa ayaa ku soo beegantay xili Midowga Yurub dhaqaale badan ku bixinayo horumarinta Kalluumaysiga iyo ka faa’idaysiga Khayraadka baddaha.
Waa waji ku cusub saaxadda Siyaasadda Somaliland, isla markaana aan xilal hore uga soo qaban xukuumadihii dalka soo maray.
Dhalinyaro badan oo ay isku fac ahaayeen, ayaa xilal ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Qoys Caan ah
Wasiir kuxigeenka cusub Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan, waxa uu ka soo jeeddaa qoys caanka ah Geyiga Soomaalida , laguna yaqaano dhinaca fanka.
Waxa dhalay AHN Fanaankii weynaa ee Axmed Mooge Liibaan, oo ay walaalo ahaayeen Macalinkii, Fanaankii iyo Mujaahidkii AHN ee Maxamed Mooge Liibaan.
Qoyska uu ka soo jeeddaa door muuqda kumay lahayn dhanka Siyaasadd.
la-taliye cusub
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu magacaabay La-taliyihiisa Arrimaha Bulshada oo cusub.
Digreetooyin
Labada Digreeto ee xilalka lagu magacaabay ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2624/072014 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan
karo xilkan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdi-kariin Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
LA-TALIYAHA.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamed Iid Dhinbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waa magacaabistii labaad ee muddo todobaad ah ka soo baxday aqalka madaxtooyadda, waxaana dhowr maalmood ka hor madaxweynuhu magacaabay Wasiirka xidhiidhka Goleyaasha oo uu ka dhigay masuul hore oo uu eryay.
Wareegtooyin kale ayuu ku magacaabay Gobol cusub iyo aasaaska ciidanka dab-damiska.
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: curad1986@hotmail.com