Beesha Biyo-maal ee Dagaalku kaga socdo Sh/hoose oo waji gabax kala kulantay dawladda Somaliland oo ay Taageero dhaqaale u soo doonteen..
Hargeysa(GNA)-Xukuumadda ayaa la sheegay inay Lix kun oo doolar ($6000), oo Sooryo ah siisay Odayaal-dhaqameedyo ka yimi Koonfurta Somalia oo muddo saddex todobaad ah Hargeysa ku sugnaa, kuwaasoo doonayay inay dawladda siilaanyo waydiistaan taakulo dhaqaale iyo Taageero siyaasaddeed oo ay uga doonayeen Dagaal ka dhexeeya beelo kale oo dawladda Xasan Sheikh Maxamuud Taageero siisay.
Odayaashan oo ka soo jeedda Beesha Biya-maal ee Koonfurta Somalia ayaa dagaallo u dhexeeyaan Maleeshiyaad sida la sheegay ay dabada ka riixayso dawladda Soomaaliya, beeshaasoo ay ku dagaalameen deegaamo ka tirsan Gobolka Shabeeladda hoose.
Weftigan Odayaasha ah oo uu hogaaminayo Ugaaska Guud ee Beesha Biya-maal Ugaas Axmed Ugaas Ugaas Sayid-cali Ugaas Xuseen, ayaa horaantii Bisha Ramadaan Hargeysa soo gaadhay, waxaana qaabilay xubno ka mid ah Madaxdhaqameedyada Somaliland oo dejiyay Hudheel.
Xukuumadda Siilaanyo ayaa la sheegay inaanay si toos ah u qaabilin, isla markaana ka gaabsatay inay siiso Taageeradii ay ka filayeen.
Ilowareedyo ku dhadhow Odayaasha iyo Xukuumadda ayaa Gobanimonews u sheegay in Xukuumaddu taas uga gaabsatay arrimo Ganacsi iyo kuwo shakhsi oo ay xeerinayso, waxaana la sheegay inay Sooryada kooban ee ay siisay ugu dhiibtay xubno Hogaan dhaqameedyo ah oo ay wakiilatay.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Madaxdhaqameedkan beesha biyo-maal faro madhan kala laabanayaan Isniinta soo socota Hargeysa, inkasta oo ay Madaxdhaqameedyo kale oo xalay Hargeysa kula kulmay isku dayayaan inay baajiyaan, si dhaqaale buuran ay ugu raadiyaan.
Inkasta oo ay degtay xiisadii ka dhaxaysay Beesha ay dagaalamayeen, intii Hargeysa ay joogeen, isla markaana heshiis laga gaaray qayb ka mid ah khilaaf maamul goboleed oo hogaamintiisa iyo gobollada uu hoos imanayo muran kala dhexeeyay deegaamo kale, hadana qaabka ay Xukuumadda Siilaanyo u qaabishay wefti dhaqameedkan miciinka soo biday ayaa si weyn looga dhaliilayaa gudaha dalka.
Beesha Biya-maal ayaa hore u taageertay qaadiyada Somaliland ee gooni-isutaaga, taasoo aanay aqoonsanayn bulshooyinka kale ee Koonfurta Somaaliya. Waxa kale oo xusid mudan in xidhiidh Isir oo dhanka abtirsiinta ahi ka dhexeeyo beelaha Somaliland.