Sunday, July 20, 2014

Somalilad Jaha Wareerka Siyaasadeed Ha Laga Daayo‏


Ramadaan Kariim




Asalaamu CaLaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu




Jihawareerka iyo Khalkhalka siyaasadeed ha laga daayo Soomaaliland. Uma baahna wadankeenu iyo dadkeenu urur siyaasadeed cusub oo aan sharci ku iman ee waxay u baahan yihiin taban taabin, wax tar iyo karti la taaban karo oo loo fidiyo maadaama wadankeenu uu yahay wadan faqiir ah oo dadkoodu aanay haysan dhaqaale ku filan kana maqan yihiin aasaasiyaadkii noloshu.




Wuxuu wadanku leeyahay saddex xisbi oo sharciya ku yimid dhibaatooyin badan iyo duruufo adagna lags soo maray, sidaas darteed haddii aad rabto in aad saaxadda siyaasadda ku soo biirto waa in aad ka mid noqotaa mid ka mid ah oo aanad samayn jaha wareer iyo khal kahl siyaasadeed.




Markii aan akhriyay qoraalkii ku saabsanaa urur siyaasadeedka cusub ee lagaga dhawaaqay magaalada Minneapolis ee carigga Maraykanka ee ay aqoonyahanka ree Somaliland ee halkaas ku nool samaysatay, waxaan jeclaystay in aan ka dhiibto waxay ila tahay maadaama aan u arkay in uu soo kordhinaayo dhibaato taas oo ay ahayd in uu noqdo urur u dhex u ah ururada maanta ka jira wadankii oo buuxiya galdaloolooyinka iyo baylahda dadka iyo dalka ama ay sameeyaan urur sama fal ah oo ka saacidda dadka reer guuraaga xoolihii laf dhabarka dhaqaalaha u ahaa oo sii yaraanaaya, wacyi galinta joojinta qaadka, tahriibta, biyo la’aanta ilaalinta nabad gelyada iyo daryeelka ciidamada dalka iyo in la taageero dadkii ku soo naafoobay dagaaladdii ina soo maray. Caawinta waxbarashada Iyo bixinta seminaro ay ku taageerayaan dhalinyarada ku jirta jaamacadaha wadanka.




Waxaan aad uga naxay markii urur siyaasadeeke cusub uu ku dhawaaqay in doorashadii xilligeedii qabsoomayn. Waxay ahayd in ay mutacalimiinteenu garab is taagaan oo ku guubaabiyaan dawladda in doorashadu xilligeedii dhacdo oo aanay dhaafin waqtigii loo qabtay sanadka dambe si kasta oo ay u jiraan duruufo.




Aniga oo dhamaan ku waafaqsan arrimaha ay sheegeen oo dhan haddana laba arrimoodba waan ku diiday oo ah in ay ku dhawaaqaan urur siyaasadeed sharci ahayn iyo in ay ku dhawaaqaan in aanay doorashadu xilligeedii qabsoomayn sidaas darteedna dib loo dhigo.




Wabilaahi Towfiiq




 




Walaalkiin Caydiid Axmed Jaamac (Indha Warranle) _ Melbourne Australia