[caption id="attachment_91368" align="alignleft" width="300"]
Suuqii islii[/caption]NairobI(GNA)-Sadex nin oo somali ah ayaa waxa laga helay mesha maydka lagu kaydiyo oo kutalaa magalada nairobi ee xarunta dalka Kenya.
ahmed maxamuud oo loo yaqaan (ahmed sukuurad) oo ah madaxa nabadgalyada xafada islii ayaa sheegay in koox dhar cad ah oo sheegatay inay ciidamo yahiin 23 kii bishii jun ay dukaankiisa ka kaxaysteen ganacsade maxamuud cabdi maxamuud oo ah qof kaliya ee maydkiisa lagartay tan iyo xiligaasna lawayeey.
dukaanka uu lahaa ayaa waxa ugu yimi koox dharcad ah isla markaa waydiyeey sharcigiisa kadib waxay ka codsadeen inuu u raaco xarunta booliska pangani waxii markaa kadanbeyeey lama arag.
xiliga maxamuud cabdi laga kaxaystay goobtiisa ganacsi aya ahayd xili ay xafada islii ka socdeen hawl gal lagu qabqabanayo somalida halkaasi ku noolayd.
Dawladda Somalia ayaan wali wax war ah ka soo saarin dilka saddexdan qof ee Somalida ah, iyadoo uu jiray walaac hore looga qabay qabqabashada sharci darada ahayd ee lagu sameeyay dadka somalida ah.
Cabdirahmaan buurdhaab
nairobi Kenya Office
Email: buurdhaab4@gmail.com