Wednesday, July 16, 2014

Shirkadda Heco oo sheegtay inay Koranto bilaasha siiyaan Masaajiddada iyo Cisbitaalada Burco


[caption id="attachment_91012" align="alignleft" width="300"]waxaanu bixinaa Koranto bilaash ah waxaanu bixinaa Koranto bilaash ah[/caption]Burco(GNA)-Maareeyaha shirkadaha adeegga korantada Magaalada burco ku  bahoobay ee Heco Khadar Jibriil Aadan, ayaa sheegay inay Koranto bilaa lacag ah siiyaan inta badan xarumaha dawliga ah ee bulshada loogu adeego, sida cisbitaalada, Saldhigyada, Masaajidada iyo goobo kale.




Khadar oo u waramay Wariye Axmed-sakaaro, ayaa tilmaamay inay horumar weyn soo kordhiyeen markii ay midoobeen afarta shirkaddood Laydhka Burco.




Waraysigan oo uu Wariyuhu kula yeeshay xafiiskiisa Burco ayuu horeyn kaga hadlay “Shirkadu Waa Mid U taagan Taageerida Bulshada waxay Qabataa Adeegyo Badan Oo Bilaasha Oo Ay Ka Mid Yihiin Cusbitaalada Saldhigyada Bilayska MasaajidadaIyo Goobaha Shaaraca Ee Wadooyinka”




Maareeye Khadar ayaa dhanka kale ka hadlay  cabasho ka timi Qaar Ka mida macaamiisha ku dhaqan magaalda burco iyo waxyaabaha uga qabsoomay balan qaadkoodii ku aadanaa adeegyada bulshada.




“Waxyaaba badan waan Qabanay Kolay Adeegyad Aan Balan Qaadnay Waxa Ka Mida Inaan Qiimo Dhimis Balaadhan Usamayno Macaamiishayda Iyo Inaan Keeno Qalab Aynu Kaga Faaidaysano Hawadeena Waxaanan Samaynay Qiimo Dhimis Balaadhan Oo Ah Adeega Laydhka Bilawgii Bisha Barakaysan Ee Ramadaan “ayuu u sheegay Gobanimonews




Waxa Uu Maareeye Khadar Sheegay Inay  shaqaalaha Shirakadu Habeen Iyo Maalinba heegan Ugu Jiraan Ilaalinta Dabka oo ay Afar Iyo Labaatanka Saacadoodba Shaqeeyaan .




Waxa Kale oo uu Macaamiisha  Ugu Baaqay In Cidii Cabasho Qabta Ay Timaado Xarumaha Shirkada Heco , waxaanu intaas raaciyay inay midawgii shairkadahani ay us oo hooyeen sumcad badan dalka iyo gobolkaba maadaama oo ay far shirkadood isu tageen taasina ay tahay dhiirigalin xaga iskaashiga Ganacsiga ah.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco




Email: Axmedmm9@hotmail.com