
Ramadaan Kariim, Akhristeyaal waxaan halkii ka soo wadi doonaa Sheekooyinkeenii Taxanaha ahaa ee aynu bixinay Ma ila socotaa.
Sheekada Maantuna waxay ku saabsantahay Qiso dhex martay laba Nin oo aad u xiiso badan.
Hadaba, Beribaa Nin Miskiin ah oo ka mid ahaa dadkan dawarsada ayaa Masaajid uu ku Tukanayay ka kacay, markaa ninkani muu ahayn dadka masaajidka dhexdiisa wax ka uruursada ee markii salaadii laga soo dareeray ayuu daba galay Nin ka mid ah dadkii Masaajidka ku tukaday oo ahaa Nin waxoogaa hanta ah haysta oo iska ladan.
Maalintuna waxay ahayd Maalin jimcaha, dabadeed markii uu Ninkii Gurigiisii galay, ayaa kii Miskiinka ahaana wax kaddib ku garaacay. Xaaskiisii ayaa ka furtay dabadeed, wuxuu ku yidhi waayo?. Waxa ku tidhi “waxa weeyaan Nin Miskiin ah oo dawarsade ah”.Markaasuu ku yidhi “naa Xidh albaabka oo naga celi”. Halkiibuu Sheikhii Miskiinka ahaa iskaga tegay isagoo waji gabax kala kulmay Reerkii.
Muddo kaddib, ayaa Ninkii ladnaa xoolihii ka duuleen qoyskiisiina ka bur-buray oo uu furay Gabadhii uu qabay, kii Miskiinka ahaana Illaahay hanti siiyay.
Ninkii Miskiinka ahaa markii uu Hantiyeystay, wuxuu Kiraystay Gurigii uu degenaa Ninkii Lacagta haystay ee qadiyay, isagoo Gabadhii ay kala tageenna guursaday.
Dabaddeed maalin maalmaha ka mid ah oo Jimce ah ayaa isagoo Gurigii degen, uu Albaabka ku soo garaacay Ninkii berigii hore maalqabeenka ahaa oo Dawarsanayaa, kaddibna waxa albaabka ka furtay Gabadhii uu qabay jiray oo uu markaa qabo Ninkii uu qadiyay.
Markii ay ka furtay ayay aragtay inuu Ninkeedii hore yahay, dabadeed waxay sheegtay Ninkii cusbaa ee qabay dabadeed wuxuu yidhi soo daa. Gabadhii halkiibay Ninkii soo daysay, kaddibna way Oyday, waxaanay tidhi “ bal eega shalay iyo Maanta, bal eegga ninkaygii hore iyo Ninkayga Maanta, bal eega Maalintu waa maalintii, bal eega Derisku waa deriskii”.
Halkaa markay maraysay oo ay maalintu Jimcihii Ninkan hada guriga degen albaabka laga xidhay oo kale ay tahay, qadadu tii maalintaasoo kale ay tahay, ayaa Ninkii Odaygaa ahaa ee maantii hore sida xun loo galay la hadlay gabadhiisii, waxaanu sheegay inuu ahaa Ninkii maalintaas ay albaabka ka soo xidheen, iminka uu isagu sidan wanaagsan yeellay.
Waxaanu intaas ku daray oo uu ku yidhi Gabadhisii “hadaba maanta hadii adduunyadu ku dhegeysanayso oo wuxuun lagaa qori lahaa maxaad umadda u sheegi lahayd”.
Dabadeed waxay Gabadhii ku tidhi “waxaan odhan lahaa Nin kasta oo Hanti haystoow waligii wax haysan maysid,sidaa darteed “Nin kasta oo wax hayoow wax ma haye ogow”.
Ma ila socotaa
Qorre: Boqor Faysal Cismaan Faarax
Hargeysa/Somaliland
Email: kindfaysal@hotmail.com
Tel: 0634426644