Pages

Wednesday, July 23, 2014

Saado Cali Warsame: Xaq u dirir Xornimada Jeclaa oo Xabad Qudha lagaga jaray


Maxay ka yidhaahdeen Madaxda Soomaalidu Dilka loo geystay Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame...




[caption id="attachment_91514" align="alignleft" width="300"]ALLE HA NAXARIISTEE SAADO CALI ALLE HA NAXARIISTEE SAADO CALI[/caption]Muqdisho(GNA)-“Waxay toogteen iyadoo ka soo baxday Hudheelka ay degenayd. Waxaanay gaadhiga la soo galeen Qoryo, waxay toogteen Darawalkii Gaadhiga, iyana waxay ku xigsiiyeen”sidaasi waxa Gobanimonews u xaqiijiyay dad goob-joogeyaal ah.




Alle ha naxariistee Dabley hubaysan ayaa gelinkii dambe ee Maanta toogasho ku dilay Xildhibaan Saado Cali Warsame.




Saado Cali Warsame waxay ahayd Mawaadinad fanka Soomaaliyeed ku soo iba bixisay hal adaygnimo iyo inay kaga dhiidhido dhib kasta oo Umadda Soomaaliyeed loo geysto, ilaa xiligii dawladii Miletariga ahayd ee Soomaaliya.




23 sanaddood ay Somalia bur-bursanayd, isla markaana ay ka mid ahayd dadkii ka shaqaynayay sidii dadka soomaaliyeed mar uun dawlad u heli lahaayeen, maanta gelinkii dambe ayay kaga dhamaatay joogitaankeeda Ifka.




Rag la aaminsanyahay inay ka tirsanyihiin Kooxda Alshabaab, ayaa ku dilay meel aan ka fogayn Hudheelka ay ka degenayd Magaalada Muqdisho.




Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo aan la magacaabin ayaa u sheegay warbaahinta kooxdaas taageerta iney ciidamadooda gaarka ah ee Muqdisho ku sugan ay fuliyeen dilka xildhibaanad Saado Cali Warsame.




Faahfaahin dheeraad ah kama bixin sarkaalkan dilka Saado Cali hase ahaatee afhayeenada kale ee kooxdaas ayaa lagu wadaa sidii looga bartay iney saacadaha soo socda ka hadlaan dilka Saado Cali




Madaxweynaha Somalia




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, ehelada, qarabada, xildhibaanada baarlmaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame oo maanta Muqdisho lagu dilay.




Madaxweynaha ayaa yiri "Innaa Lillaahi wa innaa Illaahi raajucuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo marxuumad Saado Cali, iyadana jannadiisa Fardowsa uu ka waraabiyo.




Dhammaan eheladda, asxaabta iyo xildhibaannadaba waxaan leeyahay samir iyo iimaan Eebbe ha naga wada siiyo, annaguna aan u soo wada duceyno in Illaahey uu Saado Cali Warsame jannada Fardowsa uu ka waraabiyo.”




Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha nabad-diidka ah aysan naga leexin karin dadaalka aan dalka ugu soo celineyno nabadda iyo horumarka. Madaxweynuhu wuxuu shacabka ugu baaqay inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka danbeeyey falkan foosha xun, si sharciga loo marsiiyo.




Reysal-wasaareha Soomaaliya




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed, ka tacsiyeeyey dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo kooxo dhagar-qabayaal ah maanta ku toogteen magaalada Muqdisho.




Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa falkan ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo looga golleeyahay in lagu wax yeelleeyo dowladnimada Soomaaliya. Mudane Cabdiweli ayaa sheegay in kuwa dilkan ka dambeeyey ee gacmaha dhiigga ku leh la dabageli doono ilaa caddaaladda la horkeeno.




 “Maanta waxaan dhammaanteen ka murugaysanahay dilkan oo ah xadgudub kale oo lagu soo qaaday dowladnimada Soomaaliya. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ka dhimatay Xildhibaanad Saado Cali Warsame,Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul Firdowso. ” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sii raaciyey " Saado Cali Warsame waxay ahayd Xildhibaanad qaran kana mid ah fanaaniinta ay dadka Soomaaliyeed aad u jecelyihiin, isla markaana aan ku xasuusan karno wadaniyad iyo dal jacayl” ayuu yiri RW Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in qof kasta uu dhimanayo, geeriduna ay tahay mid xaq ah. isagoona tilmaamay in ay geeriyootay xili lagu jiro tobankii ugu khayrka badnaa bisha barkaysan ee Ramadaan.




Dilka Saado Cali Warsame waxa uu laf jab ku yahay dhamaan Bulshada soomaaliyeed oo ka sekow Xilka ay hada u haysay ka mid ahayd xubnaha ka nool fanlaydii soomaaliyeed ee Waayo-aragnimada laga dhaxlayay.




Dadka aqoonta u leh ayaa ku tilmaama inay ahayd Xaq u dirir xaqiiqda aan ka gaban oo xornimada jecel.




Ramadaantii saddexaad ee la soo dhaafay ayay ka badbaaday Shil gaadhi oo lagu tilmaamay isku day dil, kaddib markii iyadoo la socota weftiga ka soo degay Magaalada Gaalkacayo gaadhigii lagu siday Gaadhi kale oo Xamuul siday galay.




Shilkaasi waxa ku dhintay Nin wariye ahaa oo u shaqeyn jiray Warbaahinta Taleex Media.




La soco Taariikh Nololeedkii Marxuumadda.