”Rajadaydii inaan finalka koobka aduunka ciyaaro wey u dhamaatay – laakiin Rajadii in Brazil koobka qaadayso wali wey nooshahay.” ayuu ku yidhi Neymar fariin muuqaal ah, shucuur badanina ka muuqato oo uu u diray shacabka wadankiisa Brazil.
Neymar ayaa carabka ku adkeeyey in xidigaha xulkiisu u rumayn doonaan riyada isla markaana qaadi doonaan koobka aduunka la’aantii.
Xidiga xulka qaranka Brazil ayaa laga saaray tartanka koobka aduunka ciyaartii Jimcihii kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay laf dhabarta, jilib uu xaga dambe kaga keenay xidiga xulka Colombia ee Juan Zuniga darteed.
Afar iyo labaatan saacadood kadib dhacdadaasi, ciyaaryahanka naadiga Barcelona, ayaa wuxuu baahiyey muuqaal uu markii ugu horeysay kaga hadlayo dhaawaca murugada leh ee soo af-meeray mid ka mid ah riyadii uu waligii ku hamiyi jiray inuu ka dhabeeyo.
Laacibkan 22 jirka ah, oo xulkiisa u dhaliyey 4 gool intii tartankani socday, ayaa ilmada isku celinaya wakhtiga uu fariintan duubayo ee uu hor fadhiyo kamarada.
Wuxuuse weeraryahankan hore ee naadiga Santos uu sheegay inuu hubo in saaxiibadiisa xulka qaranku ka dhabayn doonaan damacooda isla markaana uu kula dabaal daggi doono guusha kulanka kama dambeysta ah ee ka dhacaya bishan July 13-keeda garoonka Maracana.
‘Koob aduunkaygii ma dhamaanin wali, ciyaartii uun baa hakad iga gallay, laakiin tartanku wuu sii soconayaa waxaanan u sheegayaa saaxiibada aanu xulka ka wada tirsanahay inay wax kasta u huraan si ay iiga caawiyaan hanashada riyadayda ah hanashada horyaalka Aduunka,’ayuu Neymar yidhi.
‘Riyadaydu waxay ahayd inaan ciyaarta Finalka koobka aduunka ciyaaro, laakiin waxaan hubaa in asxaabta qarankaygu ay noqon doonaan horyaalka.
‘Waan la joogi doonaa maalintaas, Dhamaan shacabka reer Brazilna halkaas ayay ku wada dabaal deggi doonaan.’
Dhinaca kale, doctorka xulka Brazil doctor Jose Luiz Runco ayaa xaqiijiyey in dhaawaca xidigan soo gaadhay aanu ahayn mid saamayn ku yeelanaya mustaqbalkii kubada cagta ee Neymar, waxaanu tilmaamay in laga yaabo inuu ka soo xaadiro ciyaarta Brazil iyo Germalka ku dhex mari doonta garoonka Belo Horizonte si uu u daawado, haddii aanu xanuun badan ka dareemin barta dhaawacan.
Runco wuxuu intaas ku daray in Neymar uu ciyaaraha ku soo noqon doono 45 cisho kadib, mudadaas oo ah tii ay hore u xaqiijiyeen dhakhaatiirta naadiga Barcelona.
