Pages

Monday, July 21, 2014

Neymar: Brazil Wey Ka Hoosaysaa Heerka Germany iyo Spain.


Xidiga qaranka Brazil, Neymar ayaa dhaliilay hanaanka tababar ee xulkiisa, tilmaamayna inaanay gaadhayn heerka xulalka Germany iyo Spain.




434158_heroa-620x360




Sanadkii hore xulka lagu naanayso the Selecao ayaa ku garaacay Spain 3-0 tartankii Confederations Cup-ka, loona saadaalinayay inaanay jirin cid hor istaagi karta koobka aduunka, laakiin uga hadhay sidii ugu foosha xumayd kadib markii 7-1 ay kaga adkaadeen xidigihii Garmalku, semi finalkii koobka aduunka.




 




Neymar, oo 22-jir ah, ayaa dibada ka daawanayay ciyaartii xulkiisa mashaqadu ka raacday xulka tababare Joachim Low iyo midii kaalinta saddexaad loogu baratamayay ee 3-0 ka guuldarada ah ay kala kulmeen Holland, laakiin wixii intaas ka horeeyey kamid ahaa xidigii ugu cad cadaa tartanka .




 




Waxaanu laacibka kooxda Barcelona cambaareeyey hanaanka maskaxeed ee ay u fahmeen in tababarka loo qaato naadiyada iyo xulka qaranka Brazilba, waxaanu kula dardaarmay inay wax ka bedel ku sameeyaan arintaas haddii ay doonayaan inay la tartamayaan qaramada qaarada Yurub.




 




“Tababar kasta oo ay galayaan ciyaaryahanada Yurub , waxaa loo qaataa si aad u adag,” ayuu ku yidhi war fidiyaha Rede Globo. “Laakiin gudaha Brazil arintu sidaas waa ka duwan tahay. Tababar badan baa la qaataa , laakiin mararka qaar waxaa loo tababartaa si aan go’aan iyo ulajeedo midna lahayn. ciyaaryahanada reer Brazil waa noocaas.”




 




“Waxay ila tahay kubada cagta Brazil wey dambaysaa , oo waxay ka dambeysaa ta Germany iyo Spain. Waanu ku daba kufnay waana inaanu raganimo samaynaa oo taas aqbalnaa.”




 




Neymar ayaa wali shaki ku jiraa soo kabashadiisa ka hor bilowga tartanka La Liga ee xili ciyaareedkan 2014-15 si uu ugu ciyaaro naadigiisa Barcelona , dhaawac laf dhabarta ah oo haleelay darteed, laakiin waxa la xaqiijiyey inuu ku noqonayo wadanka Spain Bisha August.