Sunday, July 20, 2014

Murashaxa Madaxwayne Ee Xisbiga UCID Oo Ka Hadalay Aragtidda Xisbigooda Ee Muwadiniin Lodhiibay Dawladda Jabuuti.


(GNA) -musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen  ayaa ka hadlay aragtida uu xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ka qabo muwaadiniinta u dhashay dalka la sheegay inay xukuumadu u gacan gelisay dawlada Djabouti.




Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga oo ka jawaabayey su,aal masuuliyiinta xisbiga Ucid laga waydiiyey arintan ayaa sheegay inuu xisbiga Ucid ka taagan yahay sida uu dastuurku uga hadlay.




 Ugu horayn musharaxa mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya aragtida xisbiga Ucid ee la xidhiidha arintan ayaa waxa uu yidhi “Dastuurka qaranka Somaliland qodobkiisa 35aad waxa uu sheegayaa in muwaadiniinta dalka u dhalatay inaan meel kale la gayn doonin, anaguna dastuurka  ayaanu ilaalinaynaa, haddii ay jiraan xidhiidho ama heshiisyo gaar ah oo




ay dawladuhu ku heshiiyeen in dadka laysu gudbiyo, in muwaadiniin Somaliland ah la gudbiyo anaga  xisbigayagu ma ogolin waana arin cad oo dastuurkuna ogol yahay, laakiin dadka la gudbiyey inay muwaadiniin yihiin iyo in kale sida ay xukuumadu ay sheegtay  inaanay jirin anagu warkooda ayaanu qaadanaynaa.” Ayuu yidhi musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen.Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Laakiin xidhiidhada jira inagaba dad ayaa laynoo soo gudbiyaa danbiyo inaga galay oo ay inoo soo celiyaan wadamada jaarka, haddii ay jiraan xidhiidhadaas gaarka ahina waa ka gaar laakiin sida uu dastuurku sheegayo qofka muwaadinka ah ee dalka u dhashay waa in dalka lagu  xukumaa, taas ayuunbuu xisbigayagu aaminsan yahay.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.