Pages

Monday, July 7, 2014

Mudaharaadyo ka dhacaya Nairobi Maanta oo cabsi laga qabo


29 ruux ayaa lagu dilay saddex weerar xalay xeebta lamu...




railyNairobi(GNA)-Mudaharaadyo loo bixiyay todobadda bisha todobaad (Saaba saaba) ayaa Mucaaridka Kenya u balansanyihiin Isniinta Berri, kaasoo ay hogaaminayaan isbahaysiga uu madaxda ka yahay Reysal-wasaarihii hore ee dalkaas RAILA ODINGA.




Mudaharaadka ayaa ka dhacay goob-fagaare ah, waxaanay mucaaridku u dalbanayaan inay dawladdu la xisaabtan qaran ogolaato iyo xaaladaha amni daro ee dalka ku soo kordhay. Oo laga tashado.




Shaacinta mudaharaadkan ayaa ka horeeyay weerarro kale oo xalay ka dhacay xeebta LAMU, kaasoo lagu laayay dad ka badan 29 ruux saddex goobood.




Cabsi badan oo laga muujinayo dibad-baxyadan ayaa dalka oo dhan ka taagnaa tan iyo markii mucaaridku ku adkeysteen.




Cabsida jirta ayaa ah in isku dhacyo iyo rabshado ka dhashaan.




Bilayska Kenya ayaa sheegay in wixii ka yimaada ay dusha ku qaadan doonaan saddexda qof ee hogaamiya banaanbaxan.




Bilayska ayaa sheegay inaanu gudaha Magaalada Mudaharaadku ka dhici doonin, waxaanu taliyaha Bilayska Kenya sheegay in laga foojignaado hadalada nacaybka abuuraya iyo xiisad ka dhalata.




“dadka ka hadlaya fagaaruhu waa inay iska ilaaliyaan hadalada abuuraya nacaybka, ogolaan doono wax ka hor imanaya sharciga talaabo ayaanan ka qaadaynaa. Hal banaan bax ayuunbaa jirin doona, waana kan mucaaridku doonayo, wixii ka yimaadana waxa dusha ku qaadanaya dadka hogaaminaya oo lagala xisaabtamayaa”ayuu yidhi Taliyaha.




Waxa uu intaas ku daray Taliyuhu in dibada fagaaraha lagu baadhi doono dadka ka qayb-gelaya mudaraadku inta aanay gudaha fagaaraha gelin.




Arrintan ayaa keentay walaac sii xoogaystay oo salka ku haya inay Bilayska iyo dadku isku dhacaan.




Mudaraharaadkan ayaa u muuqda mid halis ku ah amniga marka la eego duruufaha ku xeeran, wax kasta way dhici karaan.




Dadka ka faallooda arrimaha Gobolka ayaa walaaca ugu weyn ka muujinaya maxsuulka ka iman kara dibad baxyadan.




Booliska Kenya ayaa culayska ugu weyn ee arrintani soo foodsaaraysaa, sababtoo ay tahay waa inay la socdaan amniga goob kasta oo Magaalada ah.




Xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa goor sii horaysayba ogolaatay mudaharaadkan, laakiinse lama yaqaano inay wax ku qaadan doonto iyo in kale.




Weerar argagixiso




Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa sheegtay in labaatan iyo sagaal qof lagu dilay laba weerar oo lagu qaaday degaano xeebta Kenya ee Soomaaliya u dhow.lAMU




 




Labaatan qof ayaa lagu dilay Gamba oo ka tirsan Tana River, halka sagaal kale lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xarun ganacsi ee deegaanka Hindi ee u dhow Soomaaliya.




Dadka ayaa fiirsanayay koobka adduunka markuu weerarka dhacay. Weerarka labaad ayaa ka dhacay meel u dhow Mpeketoni halkaasoo in kabadan lixdan qof lagu dilay bishii hore.




Alshabaab ayaa sheegtay inay weerarka qaaday.




Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in tobanaan nin oo hubaysan ay xabado ku fureen xalay.




"Waxay ku wareegeen tuulada oo ay xabado ku fureen iyagoo oo aan qofna kala soocin" ayuu u sheegay Reuters Cabdallah Shahasi oo ah madaxa deegaanka.




Gudoomiyaha gobolka Miiri Njenga ayaa u sheegay wakaalada in xafiisyo dowladda iyo guryo la gubay.




Dadka dhintay ayaa ah niman badankood, inta aan ka aheen wiil isku dayay inuu cararo, sida ay sheegtay AFP.




Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo markii hore la filaayay inuu booqdo deegaanka Mpekoteni, oo bishii May weerar lagu qaaday ay ku dhinteen in kabadan 60 qof ayaa gaaray deegaanadii xalay ay weerareen kooxo hubeysnaa.




Gaariyo boliis oo la gubay




William Ruto, oo warbaahinta kula hadlay deegaanada uu tagay ayaa sheegay in laamaha amniga uu u sheegay inay 48 saac guydahood ay ku soo qabtaan dableyda weerarka masuulka ka ahayd.




Asigoo sidoo kale la hadlay dad isugu soo baxay deegaanka Hindi oo xalay lagu dilay 9 qof, waxa uu sheegay in booliska ay tahay inay qaadaan howlgal ay kaymaha kaga soo saarayaan kooxda hubeysan ayna soo qabtaan iyagoo nool ama dhintay.




Madaxweyne Kuxigeenka Kenya oo ay wehliyaan gudoomiyayaasha deegaanada la weeraray, ayaa sheegay inay qadayaan tallaabo ay ku xaqiijinayaan soo qabashada kooxaha weeraray deegaanada Mpeketoni, Poromoko, Witu iyo Hindi.